Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ciidamada Itoobiya oo taangiyo ku weeraraya magaalada Mekelle
    Somalia

    Ciidamada Itoobiya oo taangiyo ku weeraraya magaalada Mekelle

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 22, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ciidammada Milateriga Dowladda dhexe ee Itoobiya ayaa qorsheynaya inay Taangiyo ku weeraraan magaalada Mekelle ee caasimadda Ismaamulka Tigreega, iyagoona ugu digay shacabka inay raadsadaan goobo ay uga nabad galaan.

    Afhayeenka militariga ayaa u sheegay warbaahinta dowladdu leedahay ee EBC Colonel Dejene Tsegaye in qeybaha xiga oo ah kuwa ugu muhiimsan ee hawlgalka, oo ah in la hareereeyo Mekelle iyada oo la adeegsanayo taangiyada, si loo dhammeeyo dagaalka aagga buuraleyda ah looguna sii gudbo aagagga difaaca.

    Macluumaadka ku saabsan dagaalka ayaa ah mid si aad ah u xadidan, iyadoo sheegashooyinka dhinacyada oo dhan ay adag tahay in la xaqiijiyo sababtoo ah xiriirkii taleefannada iyo internet-ka ee gobolka ayaa go’an tan iyo markii ay colaaddu bilaabatay.

    Labada dhinacba waxa ay sheegeen in ciidamada federaalku ay qabsadeen Adigrat, oo 116 km dhanka waqooyiga ka xigta Mekelle.

    Dejene ayaa sheegay in dadka shacabka ah ee magaalada Mekelle oo ay ku nool yihiin nus malyan qof ay tahay in ay ka feejignaadaan halista.

    “Illaa iyo iminka, waxa aan kaliya weerareynay bartilmaameedyada jabhadda saldhigyada u ah, laakiin marka laga hadlayo Mekelle way ka duwanaan kartaa taas,” ayuu yiri.

    Ciidamada TPLF ayaan ka jawaabin hadalkan ka soo yeeray militariga Ethiopia.
    Kumanaan ruux ayaa la aaminsan yahay in ay ku dhinteen dagaalka u dhexeeya ciidamada milatariga Ethiopia iyo jabhadda Tigreega.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    December 24, 2025

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    December 24, 2025

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    December 24, 2025
    Latest Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Xaafiiska Siyaasada QM Ee Somaliya oo Albaabada layskugu dhufanayo

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.