Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Farmaajo oo abaal-marino guddoonsiiyay Shaqaalaha Wasaaradda iyo Hay’adda Duulista Hawada (VIDEO)
    Somalia

    Farmaajo oo abaal-marino guddoonsiiyay Shaqaalaha Wasaaradda iyo Hay’adda Duulista Hawada (VIDEO)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 23, 2020Updated:November 23, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Billad iyo Shahaado sharaf ku maamusay Masuuliyiintii iyo howlwadeennadii ka soo shaqeeyay dib u soo celinta Maamulka Hawada Dalkeenna ayaa adkeeyay ahmiyadda ay leedahay xaqiijinta madaxbannaanida dalka, dowladnimada iyo sharafka Qarannimadeenna.

    Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Sooyaalka dalkeenna ay baal dahab ah ka geli doonaan Muwaadin kasta oo door ku lahaa dib u soo celinta Maamulka Hawada Dalkeenna, iyada oo jiilalka dambe ay tilmaansan doonaan shaqadaas waddaniga ah ee ay dalkooda iyo dadkooda u qabteen.

    https://www.facebook.com/116576108426876/posts/3556041394480313/

    “Soo celinta Maamulka Hawada dalkeenna waxaa ay ahayd arrin aad u adag, madaama welwel badan laga qabay tayada howlwadeennadeenna iyo qalabka aan isticmaaleyno awooddiisa, laakin waxaa fikirkaas beeniyay Masuuliyiinta iyo khuburada Soomaaliyeed ee Duulista Hawada oo muujiyay karti iyo in ay daacad u yihiin masuuliyaddaas Qaran”.

    Madaxweynaha oo guddoonsiiyay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad Billad sharaf ayaa ku bogaadiyey howlwadeennada Duulista Rayidka sida ay muddo kooban gudohood ugu horseedeen in dalkeennu lagu ammaano dhanka Maamulka iyo Maaraynta Duulista Hawada.

    Sidoo kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa guddoonsiiyay Shahaado Sharaf dhammaan Halyeeyadii ka soo qeyb qaatay Qorshaha Qaran ee Soocelinta Maamulka Hawada Soomaaliyeed, Howlwadeennada Hay’adda Duulista Rayidka ah iyo Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada.

    Dhankooda, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad iyo Maareeyaha Guud ee Hey’adda Duulista Rayidka Mudane Axmed Macallin Xasan ayaa ka warbixiyay horumarka dalka ee dhanka Duulimaadyada Rayidka ah iyo Amniga Garoommada Diyaaradaha, waxa ayna tilmaameen in Shirkado diyaaradeed oo caalami ah ay ku soo dhiirradeen adeegsiga Hawada Soomaaliya.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    December 24, 2025

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    December 24, 2025

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    December 24, 2025
    Latest Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Xaafiiska Siyaasada QM Ee Somaliya oo Albaabada layskugu dhufanayo

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.