Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka oo safar qarsoodi ah ku yimid Muqdisho
    Somalia

    Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka oo safar qarsoodi ah ku yimid Muqdisho

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 28, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ku-simaha Xoghayaha Gaashaandhigga Mareykanka Christopher Miller ayaa shalay booqasho aan horay loo sii shaacin ku tagay Soomaaliya, tani oo ah booqashadii ugu horeysay ee xoghaye gaashaandhig Mareykanka ah uu ku tago Soomaaliya.

    Waa Safarkii ugu dambeysay ee booqasho uu Miller ku tagayo afar waddan ee safarkiisan oo ah kii u horreeyey ee dibadda ah tan iyo markii uu Madaxweyne Trump xilkan u magacaabay toddobaadyo ka hor.

    Miller ayaa ku sugnaa saacado kooban oo kali ah magaalada caasimada ah ee Muqdisho, isagoo la kulmay qaar ka mid ah ciidamadii Mareykanka ee halkaas ku sugan, ka dib markii uu ka kicitimay xerada militariga Mareykanka ee Camp Lemonnier ee dalka deriska ah ee Jabuuti.

    In kastoo saraakiisha Pentagon-ku ay sheegeen in ujeedada safarku ay tahay in ay la kulmaan ciidamada inta lagu guda jiro munaasabadda Thanksgiving-ka ama mahadnaqqa, waxa ay booqashadani ku soo beegmaysaa iyadoo ay jiraan warar sheegaya in maamulka Trump uu qorsheynayo in uu Soomaaliya ka soo saaro ku dhowaad dhammaan 700 ee askari ee Mareykanka ah ee hadda ku sugan Soomaaliya kuwaasi oo caawimaad siiya ololaha ka hortagga argagixisada ee Soomaaliya.

    Ciidamada Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya ayaa tababara isla markaana la taliya ciidamada Soomaaliya ee dagaalka kula jira Al-Shabaab oo ah kooxda ugu weyn ee ka tirsan Al-Qaacida.

    Milatariga Mareykanka ayaa sidoo kale fuliya duqeymo ka dhan ah Al-Shabaab iyo kooxda Daacish ee Soomaaliya, iyagoo bishii hore duqeyn ku dilay hoggaamiye sare oo ka tirsan Al Shabaab.

    Pentagon-ka ayaan weli si rasmi ah ugu dhawaaqin dhimista ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya, laakiin saraakiisha difaaca ayaa u sheegay warbaahinta CNN in dhimis ballaaran la filayo maalmaha soo socda.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    December 24, 2025

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    December 24, 2025

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    December 24, 2025
    Latest Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Xaafiiska Siyaasada QM Ee Somaliya oo Albaabada layskugu dhufanayo

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.