Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Beesha Caalamka oo bilowday fara-gelinta Arrimaha Doorashooyinka Soomaaliya
    Somalia

    Beesha Caalamka oo bilowday fara-gelinta Arrimaha Doorashooyinka Soomaaliya

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 30, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xubnaha Beesha Caalamka oo bilaabay inay fargeliyaan Arrimaah la xiriira doorashooyinka Soomaaliya oo weli uu muran ka taagan yahay, kaddib markii musharxiiinta qaar ee Madaxweynaha Soomaaliya ay kasoo horjeesteen guddiyada doorashooyinka ay magacaawday dowladda Soomaaliya.

    Xubno ka tirsan Beesha Caalamka oo uu horkacayo Wakiilka Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya Amb, James Swan ayaa waxaa ay kulan dhinaca Internet-ka ah la yeesheen Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, kuxigeenkiisa Mahdi Maxamed Guuleed & Xubno kale oo ka tirsan Dowladda.

    Kulanka ayaa waxaa looga hadlay Arrimo la xiriira doorashooyinka dalka, iyaga oo sidoo kale oo dhaweeyay safarkii la xiriira doorashooyinka socda ee uu dhawaan ku tegay Ra’iisul Wasaare Rooble Magaalada Baydhabo, isla markaana uu kula kulmay Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

    “ Qeyb ka ah wadatashiyada joogtada ah ee lala yeelanayo hoggaamiyeyaasha iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed, ayey Qaramada Midoobay iyo xubno ka mid ah saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya kulan la yeesheen Ra’iisul Wasaaraha Soomaliya Maxamed Xuseen Rooble iyagoo kala hadlay doorashooyinka soo socda, waxayna soo dhoweeyeen safaradiisa qorshaysan ee uu kula kulmayo hoggaamiyeyaasha Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka, oo uu ku bilaabay booqasho uu dhowaan ku tagay magaalada Baydhabo ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa lagu yiri” War kasoo baxay Qaramada Midoobay.

    Dhinaca kale Xubnaha Beesha Caalamka ayaa bilaabay kulamo ay la yeelanayaan Madaxda dowlad goboleedyada, waxaana shalay Garoowe tegay wafdi uu hoggaaminayay Ku-xigeenka wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Raisedon Zenenga, iyaga oo la kulmay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

    Kulanka ayaa waxaa looga wada hadlay sidii ay dalka ugu dhici laheyd doorasho heshiis lagu wada yahay, waxaana Madaxweynaha Puntland uu Xubnaha Beesha Caalamka la wadaagay sidii looga gudbi lahaa marxaladda lagu jiro , sidii loo heli lahaa Doorasho xor iyo xalaal ah oo lagu kalsoonyahay, oo sharciyad wanaagsan dalka u yeelata.

    Qoraal kasoo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa waxaa loogu baaqay hoggaamiyeyaasha Soomaalida ay sii wadaan wada hadalka dhexdooda ah, iyo sidoo kale in la sii xoojiyo dareen ku dhisan is afgarad, kaas oo dhowaanahan horumar sameeyey xilli diyaar-garowga doorashooyinka qaranku ay socdaan.

    Xubnaha Beesha Caalamka ayaa horay sidoo kale ula kulmay Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ee shirarka ku yeeshay Magaalada Muqdisho, waxaana dhawaan la filayaa in ay la kulmaan Madaxweynaha Soomaaliya si xal looga gaaro Arrimaha doorashooyinka.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    December 24, 2025

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    December 24, 2025

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    December 24, 2025
    Latest Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Xaafiiska Siyaasada QM Ee Somaliya oo Albaabada layskugu dhufanayo

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.