Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweynaha Jubbaland oo Shir jaraa’id ku qabtay Kismaayo, digniina u diray DFS (VIDEO)
    Somalia

    Madaxweynaha Jubbaland oo Shir jaraa’id ku qabtay Kismaayo, digniina u diray DFS (VIDEO)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyDecember 1, 2020Updated:December 1, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Mudane Axmed maxamed Islaam ayaa maanta Khudbad u jeediyay Ururada Bulshada rayidka ah ee Jubaland iyo hay’adaha Dowlada.

    Kulankan oo ahaa mid uu Madaxweynahu Bulshada iyo hay’adaha Dowlada kula wadagaayo xaalada uu dalka marayo ayaa waxaa ka qaybgalay Haween dhalinyaro culimo siyaasiyiin Aqoon yahano iyo masuuliyiin katirsan labada gole ee Dowlad Goboleedka Jubaland iyo xildhibaano katirsan Baarlamaanka Federaalka ah waxaana ugu horayn Madaxweynahu uu ka hadlay Xaalada amaanka isagoo sheegay in maalmahii lasoo dhaafay Kooxda Al-Shabaab ay culays soo saareen deegaanada Jubaland isla markana ay fuliyeen falal amaanka lid ku ah isaga oo hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in shacabku ay laba jibaaran wada shaqaynta hay’adaha amaanka taas oo uu sheegay Madaxweynahu in habacsanaan ay ka jirto Wuxuu Madaxweynahu intaas ku daray in hubka sharci darada ah aan la ogolayn cidii lagu helana talaabo laga qaadi doono.

    https://www.facebook.com/347322282075346/posts/1918675924939966/

    Dhamaan Bulshada ayuu Madaxweynahu kala dardaarmay khatarta qabyaalada isagoo xusay in Midnimo lagaga gudbi karo caqabadaha taagan wuxuuna ugu baaqay dhamaan shacabka ree Jubbaland inay gacmaha is qabsadaan wuxuuna xusay in figradaha kala duwan iyo aragtiyada siyaasiga ah aan marnaba lagu lamaanayn karin qabyaalad taas oo bulshada sii kala fogaynaysa.

    Hay’adaha Dowlada ayuu Madaxweynahu sheegay in ay doorkooda qaatan oo wacyi galinta bulshada ay xooga saaran isagoo sheegay in qaar badan oo shacabka kamid ah lagu marin habaabinayo waxyaabo aan sal iyo raad lahayn oo qabyaaladu ay ugu weyntahay.

    Arimaha Doorashooyinka ayuu sheegay in ay Jubaland ka go’an tahay sidii ay doorashooyinka ay ugu dhici lahayd qaabkii lagu heshiiyay iyadoo dalkeena ay astaan u tahay in afartii sanaba hal mar Doorashooyin la aado isagoo sheegay in ay Jubaland xaq u leedahay inay maamusho doorashooyinka ka dhacaya deegaanka.

    Madaxweynaha yaa intaas ku daray in isku tanaasulka iyo wadar ogolka ay asal u yihiin doorashooyin xor iyo xalaal ah oo dalka ka dhaca si taas loo gaarana ay muhiim tahay in heshiiyadii la galay la fuliyo gaar ahaana in gudiga doorashooyinka Jubaland iyo Wasaarada Arimaha gudaha looga baahan yahay inay tagaan goobta labaad ee loo asteeyay doorashada Baarlamaanka Federaalka ah.

    Madaxweynaha ayaa ka digay khatarta ka dhalan karta hadalada xanafta leh ee ay adeegsanayaan Madaxda Dowlada kuwaas oo diinta ka saaraya dadka ka aragtida duwan sidii lagu yaqaanay figradaha xagjirka ah ee Argagixisada wax loo dulqaadan karana aanay ahayn.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    December 24, 2025

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    December 24, 2025

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    December 24, 2025
    Latest Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Xaafiiska Siyaasada QM Ee Somaliya oo Albaabada layskugu dhufanayo

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.