Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Midowga Musharixiinta & Safiirka Ingiriiska oo ka wada-hadlay Arrimaha doorashooyinka
    Somalia

    Midowga Musharixiinta & Safiirka Ingiriiska oo ka wada-hadlay Arrimaha doorashooyinka

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyDecember 3, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xubnaha Beesha Caalamka ee taageerada siiya Soomaaliya ayaa xilligaan waxaa ay wadaan qorshooyin xal looga gaarayo khilaafka ka dhashay Guddiyada doorashooyinka oo ay Magacaawday Xukuumadda Soomaaliya, hayeeshee qaar kamid ah musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ay diideen.

    Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Amb, Ben Fender ayaa Muqdisho ka bilaabay la kulanka Xubnaha Musharixiinta Madaxweynaha, waxaana uu la kulmay Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble Cali oo kamid ah Musharixiinta Madaxweynaha ee kasoo horjeestay Guddiyada doorashooyinka.

    Labada mas’uul ayaa waxaa ay ka wada hadleen xaalada Guud ee dalka Arrimaha doorashooyinka iyo Guddiyada doorashada o uu khilaaf ka taagan ahay, sida uu sheegay Musharax Madaxweyne Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble Cali.

    “Waxaan kulan muhiim iyo mira dhal ah wada qaadanay Safiirka boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Somaliya Ben Fender kaas oo aan isla soo qaadnay arimo badan oo ay kamid tahay xaaladda guud ee Wadankeena Somaliya uu hadda ku suganyahay, si gaar ah Arimaha doorashada ee la filayo dhawaan in dalka ay ka qabsoonto taas oo aragtiyo isku mid ah aan ka qabnay ayuu yiri” Musharax Cosoble.

    Sidoo kale labada mas’uul ayaa isla soo qaaday si guud in ay muhiim tahay in la helo doorasho xur iyo xalaal ah,  wadar-ogol ah, waqtigeeda ku dhacda, kana maran  tabasho ka timaada Musharaxiinta Madaxweynaha  ee uu tartanka kala dhaxeeyo Musharaxa Dowladda Federaalka Soomaaliya.

    Ugu dambeyn Musharax Madaxweyne Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble Cali & Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Amb, Ben Fender ayaa ka wada hadlay sidii  xal waara looga gaari lahaa cabashooyinka ku aadan doorashada Xildhibaanada labada aqal ee ka soo jeeda Gobalada woqooyi , khilaafka Gobalka Gedo iyo guddiyada doorashada heer Federaal iyo heer Maamul Gobaleed.

    Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Amb, Ben Fender ayaa horay ula kulmay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo la sheegay in uu dhex-dhexaadin ka dhex-wado Madaxweyne Farmaajo & musharixiinta iyo sidoo kale Musharax Madaxweyne Danjire Daahir Maxamuud Geelle.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    December 24, 2025

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    December 24, 2025

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    December 24, 2025
    Latest Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Xaafiiska Siyaasada QM Ee Somaliya oo Albaabada layskugu dhufanayo

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.