Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Qareen Mareykan ah oo dhacay hanti Soomaaliya u taallay Adduunka.
    Somalia

    Qareen Mareykan ah oo dhacay hanti Soomaaliya u taallay Adduunka.

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyDecember 4, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Abuukaate Jeremy Schulman, oo 47-jir ah,deggana Maryland, ayaa lagu oogay in 3.3 milyan uu si sharci darro ah uga qaatay $12.5 Million (Toban iyo Labo Milyan doolar) oo ahayd lacag Soomaaliya ka taallay bangiyada dibedda.

    Dembi-oogayaasha Waaxda Caddaaladda Mareykanka waxay sheegeen in laga bilaabo 2009 ilaa 2014, Schulman uu abaabulay shirqool ay kala qeyb-qaateen dad kale, si khiyaano ahna ku heleen hantida maaliyadeed ee magaca Soomaaliya ku taalla bangiyada adduunka oo dhan, qayb ka mid ah hantidan wuxuu u qaatay khidmad iyo kharash ahaan.

    Schulman iyo kuwa kale (dad Soomaali ah oo aan la sheegin) ayaa la sheegay inay sameeyeen dukumiintiyo been abuur ah oo ku awood u siinaya qareen Schulman soo celinta hantida maaliyadeed isagoo wakiil ka ah dowladda Soomaaliya.

    Schulman wuxuu u soo bandhigay dukumiintiyadan been abuurka ah bangiga ay ceymiska federaalka Mareykanku leeyahay iyo hay’ado kale.

    Marka laga soo tago adeegsiga dukumiintiyada been abuurka ah, qareen Schulman wuxuu sidoo kale ka qariyay bangiyadaas iyo hay’adaha maaliyadda macluumaadka maadiga ah ee la xiriira awooda uu u leeyahay inuu matalo dowlada Soomaaliya.

    W/Q: Abdalle Ahmed Mumin

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    December 24, 2025

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    December 24, 2025

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    December 24, 2025
    Latest Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Xaafiiska Siyaasada QM Ee Somaliya oo Albaabada layskugu dhufanayo

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.