Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Taliyaha DANAB “Ma jiro dal buuxin kara doorka Mareykanka ee dib-u-dhiska Ciidamada Qaranka”
    Somalia

    Taliyaha DANAB “Ma jiro dal buuxin kara doorka Mareykanka ee dib-u-dhiska Ciidamada Qaranka”

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyDecember 6, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Taliyaha Ciidanka Kumaandooska Soomaaliyeed ee  Danab, Korneyl Axmed Cabdullaahi Nuur ayaa  ka hadlay qorshaha Ciidamada Mareykanka ka jooga  ay uga baxayaan dalka Soomaaliya, amarkaas oo uu bixiyay Madaxweyne Donlad Trump.

    Taliyaha oo la hadlay BBC-da waxaa uu sheegay in ay adag tahay in xilligaan la helo dowlad kale oo buuxisa booska uu baneeyo Mareykanka oo kaalin muuqata siiya Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee dagaalka kula jira Ururka Al-Shabaab.

    Sidoo kale, Taliyaha DANAB ayaa xusay in Mareykanka uu si wyen uga caawin jiray dhinaca Ammaanka iyo la dagaalanka Al-Shabaab, isla markaana taariikh weyn uu ku leeyahay howlgallada ka socda Soomaaliya.

    “Majiro taariikhda dal lamid ah mareykanka  oo caawinaad noocaas ah inta ay noo soo diraan lagu hawlgelin jiray ciidamadeena iyo kaalintii ay ka qaateen dib u dhiska Ciidamada Qaranka ayuu yiri” Taliyaha Ciidanka DANAB.

    Taliyaha ayaa intaasi ku daray in loo darsan doono howlgalladii ay Ciidamada Mareykanka ka wadeen Soomaaliya, hayeeshee dadka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay cashar ka bartaan in aan kaliya leysku haleen Ciidammo Shisheeye.

    In ka badan 700 oo Askari ayaa la sheegay in Ciidamada Mareykanka ay uga sugan yihiin Soomaaliya, kuwaas oo Shaqadoodu tahay duqeymaha loo adeegsado diyaaradaha uusan duuliyaha saarneyn ee drones-ka, kuwaasoo lagu bartilmaameedsado saldhigyada iyo dhaqdhaqaaqyada Al-Shabaab iyo tababaro ay siiyaan Ciidamada dowladda Soomaaliya.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    December 24, 2025

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    December 24, 2025

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    December 24, 2025
    Latest Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Xaafiiska Siyaasada QM Ee Somaliya oo Albaabada layskugu dhufanayo

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.