Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Warmurtiyeed kasoo baxay Shirweynaha Nabadda Ee Haweenka Soomaaliyeed
    Somalia

    Warmurtiyeed kasoo baxay Shirweynaha Nabadda Ee Haweenka Soomaaliyeed

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 26, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Shirweynaha Nabadda ee Haweenka Soomaaliyeed.

    Aaaldda Zoom
    JANUARY 21 2021

    Shirweyne ay ku kulmeen Haween Weynaha Soomaaliyeed oo ka kala socday qeybaha Bulshada, Dalka Gudihiisa iyo Dibaddiisa oo qabsoomay 21 Janaayo, 2021.

    Shirweynaha ayaa lagu soo bandhigay doodo dhaxgal u ah arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan doorka Haweenka Soomaaliyeed ay ku yeelanyaan geeddi socodka Nabadda, xasiloonida, horumarka iyo Doorashooyinka Dalka.

    Nuxurka isku imaadka haweenka somaliyeed ayaa ahaa in arrimaha masiriga ah ee dalka iyo kuwa hadda taagan intaba ay ka geystaan kaalintooda ku aaddan arrimaha siyaasadda, nabadaynta iyo haweenka.

    1.Haweenka Soomaaliyeed waxay u soo jeediyeen Madaxda Dowladda Federaalka, Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Murashaxiinta in ay danta guud ka hor mariyaan danta gaarka ah iyaga oo si buuxda u fulinaya masuuliyadii ay u qaadeen dalka iyo dadakaba.Iyaga oo ka fogaanaya waxkasta oo xasilooni daro dalka u horseedi kara.

    1. Shirweynaha Haweenku wuxuu si adag u soo jeediyey in is-maandhaafka siyaasadeed lagu xalliyo gogol wada hadal oo loo dhan yahay, nabadda, xasiloonida iyo wadajirka dalka iyo dadkana la dhawro.
    2. Haweenku Soomaaliyeed waxay diyaar u yihiin ka qeyb qaadashada iyo curinta afkaaro iyo habraacyo loo marayo gaarista xal waara iyaga oo go’aansadey ka qeybgelidda madal kasta oo looga hadlayo masiirka ummadda Soomaaliyeed.
    3. Haweenka Soomaaliyeed waxay xaq u leeyihiin in ay si mug leh u helaan kaalintooda metaladeed sida..

    a. In 30% ugu yaraan ka helaan golayaasha dawlada.

    b. Sidoo kale in ay 30% ka helaan wasaaradaha, safaradaha,agaasimayaasha guud

    c. In ay 30% ugu yaraan ku yeeshaan dhamaan hayadaha daawliga ah iyo kuwa madax banaanba.

    1. Shirweynuhu wuxuu go’aamiyey in kulamada Haween weynaha Soomaaliyeed la joogteeyo si dalabka siyaasadeed ee Haweenka looga mira dhaliyo.

    6.Haweenka Soomaaliyeed waxay ku boorinayaan madaxda dalka Doorasho xor iyo xalal ah kuna salaysan qof iyo cod ah, dastuur damaystiran, maxkamad dastuuri ah, iyo nidaamka xisbiyada badan, lagana guuro awood qaybsiga qabiileysan ee 4.5 sidii lagu ballamay sanadkii 2016.

    7.In la horumariyo dhaqanka daahfurnaanta, isla xisaabtanka iyo kor u qaadista doorka haweenka ay ka mudan yihiin qorsha horumarinta qaranka ee arrimaha dhaqaalaha, siyaasada iyo bulshada.

    8.In Haweenka Soomaaliyeed yeeshaan Goleyaal ay uga tashadaan xaaaladaha dalka iyo arrimaha u gaarka ah Haweenka.

    9.In la magacaabo guddi u qareema Haweenku kana shaqeeya Midnimadooda iyo Wadatashigooda.

    10.In Haweenku si buuxda uga qeyb qaataan wadaxaajoodyada Dalka.

    1. In kor loo qaado wacyi gelinta ku aaddan nabada, xasiloonida iyo kaalinta muga leh ee haweenka somaliyeed kaga jiraan nabadaynta dalka iyaga oo isticmalaya aalad kasta oo isgaarsiinayd.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    December 24, 2025

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    December 24, 2025

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    December 24, 2025
    Latest Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Xaafiiska Siyaasada QM Ee Somaliya oo Albaabada layskugu dhufanayo

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.