Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Faallo: Muxuu Farmaajo ka dhaxlay weeraradii musharixiinta ?
    Somalia

    Faallo: Muxuu Farmaajo ka dhaxlay weeraradii musharixiinta ?

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 20, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ciidammo ka amar qaata Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa jimcihii weeraro is xigxiga ku qaaday Midowga Musharixiinta Madaxweynaha, oo ay ku jiraan Madaxweynayaashii hore ee dalka iyo Ra’iisul Wasaarihii hore iyo Masuuliyiin kale.

    Weerarka kowaad oo dhacay habeenimadii jimcaha ayaa lagu qaaday Hotelka Maa’ida (Ex. Naaso-hablood 2), oo ay degnaayeen Madaxweynayaashii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud, weerarkan ayaana fashilmay kaddib markii Ciidanka weerarka soo qaaday ay is difaacid kala kulmeen ilaalada Madaxweynayaashii hore.

    Sidoo kale, Weerarka labaad ayaa lagu qaaday 3.6 bilood ah lasoo shaqeynayay Madaxweyne Farmaajo, waxaana rasaas loo adeegsaday Mudaharadayaasha iyo Musharixiinta, taas oo sababtay dhimasho iyo dhaawac.

    Qaramada Midoobay, Mareykanka, Midowga Africa iyo IGAD ayaa weeraradaas ku tilmaamay kuwo nasiib-darro ah, iyagoo dhinacyada ugu baaqay inay wada-hadlaan. Warka xubnahan ayaana muuqaal qurxoon iyo fursad aan la filayn siiyay Midowga Musharixiinta.

    Danjire Maxamed Nuur Caalim oo ka faalooda arrimaha Siyaasadda Caalamka, si gaar ahna u taxliiliya Siyaasadda Soomaalida ayaa weerarada lagu beegsaday Musharixiinta Bannaan-baxa abaabulayay ku tilmaamay kuwo soo hormariyay guul-darooyinka siyaasadeed ee Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo.

    “Hadii ay dhici lahaayeen bannaan-baxyadii midowga Mushuraxiintu horkacayeen, ma lahaadeen culeys badan oo Madaxweyne Farmaajo wajaho, balse hada rasaas ayuu u adeegsaday joojintooda taas oo siinaysa Caalamka sawir ay muddo ka bixinayeen Farmaajo Musharixiintu oo ah inuu yahay Kali-talis doonaya inuu burburiyo dilmuquraadiyadda curdanka ah ee Soomaalida” ayuu yiri Danjire Maxamed Caalim.

    Sidoo kale, Weerarada Farmaajo uu ku qaaday Musharixiinta ayaa waxaa si isku mid ah uga hadlay Warbaahinta caalamka oo sheegtay in Soomaaliya ay cagaha sii galinayso dagaal u dhexeeya Kali-talis iyo xoogag kasoo horjeeda.

    Dhanka kale, Weeraradan ayaa saameyn ku yeeshay Shirkii loo balansanaa inay isugu Madaxda muddo-xileedkoodu dhamaaday ee DFS iyo Dowlad Gobaleedyada, Puntland iyo Jubbaland ayaana hakiyay safaradii qorsheysnaa ee Madaxdoodu ku tagi lahaayeen Muqdisho. Waxaana sidaas si lamid ah istaagay dulimaadyadii diyaaradaha caalamiga ah ee tegi jiray Muqdisho.

    Shabakadda Idil News
    Jibriil Qoobey.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    December 24, 2025

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    December 24, 2025

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    December 24, 2025
    Latest Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Xaafiiska Siyaasada QM Ee Somaliya oo Albaabada layskugu dhufanayo

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.