Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»XOG-WARAN: Maxay tahay sababta Deni iyo Axmed Madoobe ay ku diideen la heshiinta Farmaajo ?
    Somalia

    XOG-WARAN: Maxay tahay sababta Deni iyo Axmed Madoobe ay ku diideen la heshiinta Farmaajo ?

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 21, 2021Updated:February 21, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Waxaa xaqiiqada tahay in “ismari waaggi hore” ee Madaxweyne Farmajo muddada dheer ku tala galay inuusan dheg jalaq u siin madaama uusan ku socon waqti sida lataliyayaashiisa fagaaraha ka sheegeen, isla markaana uu raadinayay muddo kororsi, waxaa hadda taagan arrin cusub oo lama dhaafan ah, taaso ah “Madaxweyne Farmajo oo muddo xileedkiisa dhammaaday awood uma laha inuu la fariisto madaxweynayaasha DG muddo xileedka uusan dhammaan.

    ” Hadalka ah “ha loo tanasulo danta dadka iyo dalka” waa hadal fiican haseyeeshe aan haysan maqaam kiisa, kana soo horjeeda danta dadka iyo dalka. 3 DG ee la safan gargar iyo gardarro ama sharci iyo sharcidarro Madaxweyne Farmajo waa xarig meel yaal, Haseyeeshe DG Puntland iyo Jubbaland waxay caddeeyeen 8dii Febraayo 2021 ayagoo jooga dhusamareb mowqifkooda ah inaysan aqoonsaneyn Madaxweyne-nimada Maxamed Cabdullaahi Farmajo.

    Kaddib markii khilaaf ka dhashay shir Madaxweyne Farmajo ballamiyay 15 Febraayo 2021, ayaa beesha caalamka soo jeedisay qabashada shir farsamo ee heer wasiirro oo lagu qabtay Baydhabo, kaaso natiijadiisa la daboolay marka la reebo in lagu heshiiyay qodobbo aan la shaacin. Jubbaland iyo Puntland waxay dib ugu yeereen xubnihii shirka Baydhabo uga qayb galay sababo qarsoodi ah.

    Madaxweyne Farmaajo wuxuu mar kale la tashi la’aan muddeeyay shir dhacaya 18-19 Febraayo 2021 asagoo aan ka hadlin dooda ka taagneyd in muddo xileedkiisa dhammaaday iyo mowqifyada Puntland iyo Jubbaland.

    Nasiib darro, bilowga habeennimo iyo subaxnimadii maalinta 19 Febraayo 2021, Ciidammada DF waxay weerareen mas’uuliintii kala duwaa ee Midowga Musharrixiinta Xilka Madaxweynaha oo qaarna jiifeen habeenkii hotelka Maa’ida, qaarna ku jireen socodka bannaanbaxa lagu tala galay inuu ka dhaco Daljirka Dahsoon. Waxaa dhacay dhimasho iyo dhaawac iyo ishortaag bannaanbixihii lagu tala galay taaso ka soo horjeeda dastuurka kmg.

    DF waxay ku andacooneysaa inay ka carootay in la yiri dalka dowlad kama jirto, taaso oggol yahay qodobka 18 ee dastuurka kmg. Dalka dowlad kama jirto waxaa loola jiraa ma jiraan xildhibanno barlamaan iyo Madaxweyne haysta kalsoonida sharciga oo soo doortay.

    Jiritaanka iyo jiritaan la’aanta dowladda oo u leh fasiraad kuma xirna hadalka muwaadin Soomaaliyeed darajo kasta ha lahaado yiraahdo. Waa arrin qaanuuni ah. Waajibka DF wuxuu ahaa inay kor ka ilaaliso nabadgelyada bannaanbaxayaasha oo xaq u lahaa inay maamushaan nabadgelyada gudahooda.

    Sidaa darted, waa gardarro in 21 Febraayo 2021 (Madaxweyne) Farmajo ku martiqaado dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ka soo qaybgalka shir, asagoo ogsoon mowqifkooda, asaguna uusan kala doodin ama kala hadlin, taaso ah xaqiraad, xadgudub, iyo keligi talisnimo.

    Dr. Maxamud M Culusow

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    December 24, 2025

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    December 24, 2025

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    December 24, 2025
    Latest Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Xaafiiska Siyaasada QM Ee Somaliya oo Albaabada layskugu dhufanayo

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.