Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Kenya oo Isbedel ku sameysay Qareenadeedii dacwada Badda ee kala dhexeysa Somalia
    Somalia

    Kenya oo Isbedel ku sameysay Qareenadeedii dacwada Badda ee kala dhexeysa Somalia

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 21, 2021No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladda Kenya ayaa waxaa la sheegay inay dhamaan bedeshay qareenadii u doodayay dacwadda Badda ee kala dhaxeeysa Soomaaliya, iyada oo Magacaawday 8 qareen oo Cusub.

    15-ka Bisha Maarso 2021 ayaa loo balansan yahay inay bilaabato dhageysiga dacwadda Badda , waxaana 8 qareen 7 kamid ah ay yihiin Ajaanib halka Xubinta 8aad uu yahay Kenyan, taas oo lagu Magacaabo Prof Phoebe Okowa.

    Qareenada Cusub  ee Kenya u Magacaawday dhageysiga dacwadda Badda ee kala dhaxeysa Soomaaliya ayaa waxaa hoggaminaya Prof Sean Murphy oo ka tirsan George Washington School of Law & Garsoore hore Tullion Treves.

    Hoggaamiyaha qareenada Prof Sean Murphy ayaa mar kamid ahaa qareenadii kasoo muuqday Maxkamada Caalamiga ah ee Cadaalada (ICJ)  xilli ay socotay kiiska u dhaxeeyay dalalka Peru iyo Chile., waxaana dhamaan qareenada Kenya ay u magacaabatay dhageysiga dacwadda Badda ee kala dhaxeysa Soomaaliya ay kala yihiin Magacyadooda.

    1: Hoggaamiyaha qareenada oo lagu Magacaabo Prof Sean Murphy oo ka tirsan George Washington School of Law

    2: Garsoore hore  iyo bare Culuumta Sharciga ka dhiga dalka Ingiriiska Tullion Treves.

    3: Prof Laurence Boisson De Chazournes oo isna khabiir ku ah sharciga caalamiga kana socda jaamacadda Geneva ee dalka Switzerland.

    4: Prof Phoebe Okowa, oo bare ka ah Sharciga Caalamiga ee Jaamacadda Queen Mary ee London ayaa ah qofka kaliya ee Kenyanka ah, waxaana ay qeyb ka aheyd dacwada badda ee Gambia ka gudbisay Myanmar.

    5: Prof Makane Mbengue, oo reer Senegal ah, oo ka dhiga sharciga caalamiga ah  Jaamacadda Geneva.

    6: Christian Tams, oo bare ka ah Jaamacadda Gasglow. Waa Muwaadinad Jarmal ah, iyada oo dhowr jeer  ka soo muuqatay isla maxkamada kiisas kala duwan.

    7: Eran Sthoeger oo laga keenay Israel, waxaana uu ka qeyb qaatay kiisas u dhaxeeyay dalalka  Peru & Chile.

    8: Madaxweynaha Nuqulada Juquraafiga Coalter Lathrop, kaas oo qareenada ka caawin  doona sawir gacmeed iyo sharciyeed kooxda Kenya ee xadka iyo xuduudaha badda.

    Ugu dambeyn qareenada ay dowladda Kenya bedeshay ayaa waxaa ay kala yihiin, ah Karim Khan, Payam Akhavan  oo Mareykan ah, Makena Muchiri  oo Kenyan ah, Vaughan Lowe  & Alan Boyle oo u dhashay dalka Ingiriiska , Mathias Forteau oo u dhashay dalka Faransiiska  iyo Amy Sanders British ah.

    Dowladda Kenya ayaa dooneysay in markii afaraad dib loo dhigo kiiska badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya, hayeeshee Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ ayaa laashay, waxaana loo balansan yahay in la qaado 15-ka Bisha Maarso, waxaana Go’aanka Maxkamadda soo dhaweeyay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    December 24, 2025

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    December 24, 2025

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    December 24, 2025
    Latest Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Xaafiiska Siyaasada QM Ee Somaliya oo Albaabada layskugu dhufanayo

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.