Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Akhriso: Nuxurka Khudbadii Madaxweynaha Puntland ee PDRC (VIDEO)
    Somalia

    Akhriso: Nuxurka Khudbadii Madaxweynaha Puntland ee PDRC (VIDEO)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 22, 2021Updated:February 22, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Saciid Cabdullaahi Deni oo madasha furan ee PDRC kula hadlay siyaasiyiinta iyo bulshada qeybaha kala duwan ayaa khudbaddiisa diiradda ku saaray marxalad adag ee uu dalka marayo.

    Madaxweyne Deni ayaa mid mid u sharraxay shirarkii kala duwanaa ee looga hadlay hannaanka doorashooyinka dalka, sababaha keenay in ay fashil ku dhammaadaan oo u aaneeyey madaxweynaha xilkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, wuxuu tilmaamay in rabitaanka Farmaajo ay ugu weyneyd maamulidda doorashada Jubbaland gaar ahaan tan Garbahaareey ka dhici lahayd, maadaama uu Farmaajo caddeeyey in reerkiisa aana diyaar u aheyd in ay maamul ahaan u hoostagaan Axmed Madoobe.

    https://www.facebook.com/watch/?v=444626120113139

    Saciid Deni ayaa daaha ka rogay in Farmaajo aaminsan yahay xukun lagu sii heysto xoog iyo awood ciidan, isla markaana uu caddeeyey in ay u diyaarsan yihiin ciidankii howshaas fulin lahaa, isagoo soo daliishaday weerarradii ka dhacay Baydhawa, Beled-xaawo, Dhuusamareeb, Daljirka Dahsoon iyo weerarkii lagu qaaday madaxweyneyaashii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo xukunka si Dimuquraadiyad ugu wareejiyey 16-kii Feberaayo 2017-kii.

    Madaxweyne Deni ayaa sheegay in aan la isku aamini karin madaxweynaha xilkiisa dhammaaday marka loo eego dhacdooyinkii 19-kii Feberaayo ka dhacay magaalada Muqdisho, isla markaana uusan Puntland u qaadi doonin go’aan aan u cuntameyn Soomaali oo dhan, waxa uu muujiyey walaac xooggan ee keeni kara in dagaal sokeeye uu u horseedo Farmaajo Soomaaliya haddii aan cashar laga qaadin wixii dhacay siddeetamaadkii.

    Ugu Madaxweyne Deni ayaa sheegay in beesha caalamka uusan ka muuqan biseyl ay ku fahmaan tallaabooyinka dowladda waqtigeeda dhammaaday, isagoo ku taliyey in Soomaali ka talo ka yeelato kalitalisnimada Farmaajo sida uu xusay, waxa uu shacabka Puntland iyo guud ahaan Soomaalida kula dardaarmay in ay ka shaqeeyaan sidii loo badbaadin lahaa Qaranka loona ilaalin lahaa midnimada dalka, iyadoo Puntland ay qaadan doonto doorkeeda.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    December 24, 2025

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    December 24, 2025

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    December 24, 2025
    Latest Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Xaafiiska Siyaasada QM Ee Somaliya oo Albaabada layskugu dhufanayo

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.