Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweynayaasha Mareykanka iyo Kenya oo ka wada-hadlay xaalada Geeska Africa
    Somalia

    Madaxweynayaasha Mareykanka iyo Kenya oo ka wada-hadlay xaalada Geeska Africa

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 27, 2021No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Maraykanka, Joseph R. Biden ayaa Khamiistii telefoon kula hadlay madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta.

    War saxaafadeed ka soo baxay Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in madaxweyne Biden uu u xaqiijiyey dhiggiisa Kenya muhiimadda uu leeyahay xiriirka Maraykanka iyo Kenya.

    Biden ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay sida ay Maraykanka uga go’an tahay inuu sii wado in Kenya uu kala shaqeeyo nabadda iyo amniga gobolka, taas oo ay ku jirto marka Golaha Ammaanka la joogo, kaas oo Kenya ay hadda xubin ka tahay.

    Sida war-saxaafadeedka lagu sheegay, madaxweyne Biden ayaa bogaadiyey kaalinta hogaamineed ee Kenya ee gobolka Geeska Afrika ee dhinacyada la dagaalanka argagixisada, kobcina dhaqaalaha, wax-ka-qabashada isbeddelka cimilada, iyo horumarka la joogteyn karo.

    War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Biden iyo Kenyata ayaa ka wada hadleen xaaladda bani’aadiminimo ee sii xumaanaysa ee gobolka Tigray ee dalka Ethiopia iyo baahida loo qabo in joojiyo nafta baxaysa, lana hubiyo galaangalka hawlaha bani’aadaminimo. Labada hogaamiye ayaa, sidoo kale, ka wada hadlay baahida loo qabo in iskaashi laga yeesho arrimaha kale ee la xiriira xasilloonida gobolka, sida war-saxaafadeedka lagu sheegay.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    December 24, 2025

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    December 24, 2025

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    December 24, 2025
    Latest Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Xaafiiska Siyaasada QM Ee Somaliya oo Albaabada layskugu dhufanayo

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.