Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»XOG: Farmaajo oo qaadaya talaabo qar iska tuurnimo ah, kuna dhawaaqaya xaalad deg deg ah
    Somalia

    XOG: Farmaajo oo qaadaya talaabo qar iska tuurnimo ah, kuna dhawaaqaya xaalad deg deg ah

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 3, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Kulan Qarsoodi ah oo( 01-03-2021) Madaxtooyada ku Dhex Maray Madaxweyne Hore Farmaajo”Madaxweynayaasha Galmudug”Hirshabeelle iyo Taliyaha Nabad Sugida iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo iyagana Qadka Zoomka Shirka uga Qeyb Qaatay ayaa lagu Go aamiyay in La Qabto Doorasho aysan Qeyb Ka Aheyn Puntland iyo jubaland.

    Waxkasta oo ka yimaadana lala falgalo intii ay doodu Socotay ayaa lagusoo Waramaya in Qoor Qoor Soo Jeediyay in Kulanka laga Soo Qeyb Galiyo Raiisulwasaare Rooble Balse Waxaa Soo Jeedintaas ku Gacan Seyray Fahad oo Sheegay in Rooble ku Gowracan Yahay Wixii kulankan Kasoo Baxa ayna Waajib Tahay in la isbad baadiyo.

    Fahad ayaa Shrka ka Sheegay Hadaan Dhanka Doorashada Talaabo Deg Deg ah loo Qaadin ineey Taladu Farahooda ka Bixi doonto Dhamaantoodna aysan jiri doonin Qof siyaasada kusii jiri doona Maadama intii ay Talada Hayen Sameysten Cadow Farabadanlagana aarsan Doono Markuu Meesha ka baxo Farmaajo, Sidaas Darteed ay Waajib Tahay in Doorashada Laga Bilaabo Sadexda Maamul Goboleed + Gobolka Banaadir iyo Xubnaha Somaliland.

    Kulanka oo la isku dhaafsaday Warbixino u badan Guul darooyin Siyaasaded oo kooxda Soo wajahay iyo Sidiii Looga Gudbi lahaa Xaalada Cakiran ayaa ugu Dambeyn la isku Raacay in Farmaajo iclaamiyo kulankii uu 4″ta Bisha balamiyay, lagana Dhigo Kulanka Looga Dhawaaqi Doono in Dalku Galayo Doorasho Guud lagana Sii Bilaabi Doono Maamulada u Diyaarsan Doorashada Sidaasna Dalku Doorashada ugu Gudbo.

    Marka uu Soo Dhamaado Kulanka Ku Dhawaaqista Doorashada ayaa lagu Balamay in Dalka la Galiyo Xaalad Deg Deg ah oo Loo Sababeynayo Xaalad amni oo dhanka Doorashada ah Si loo Xakameeyo Carqalad ka imaan karta Dhanka Madasha Musharaxiintaoo aan Marnaba Ku Qanci Doonin Doorasho Hal dhinac ah.

    Dhanka Beesha Caalamka oo la isla Soo hadal Qaadayna Waxaa Go aan lagu Qaatay in Warsaxaafadeed Lagu Soo Saaro ineey Faragalinta ka Daayan arimaha Gudaha Dalka Qatar iyo Turkey’na ay Garab uga Heystan Arintaas. la arki Doone Halka Xaal ku Dambeeyo.

    Xigasho: Maxamed Darajo

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    December 24, 2025

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    December 24, 2025

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    December 24, 2025
    Latest Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Xaafiiska Siyaasada QM Ee Somaliya oo Albaabada layskugu dhufanayo

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.