Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»VIDEO: Ciidanka Amniga Puntland oo lagu amray inay baaraan Gaadiid gala Boosaaso
    Somalia

    VIDEO: Ciidanka Amniga Puntland oo lagu amray inay baaraan Gaadiid gala Boosaaso

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 3, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa shir Gudoomiyay kulanka todobaadlaha ah ee Amniga Magaalada Bosaaso, waxaana fadhiga ku sugnaa dhamaan Saraakiisha Amniga Magaalada Bosaaso iyo qaar kamid ah Taliyaasha Saldhigyada kulankaan oo manta diirada lagu saaray amniga iyo kala warqaadasho Saraakiisha iyo Taliyahooda oo dib ugu soo laabtay Xafiskiisa,

    Kulankaan oo ahaa u jeedadiisa kala warqaadashada amniga Bosaaso ayaa Taliye Xuseen waxa uu dhamaan ciidamada Booliska Gobalka uga mahadceliyay dadaalka ay galiyeen sugida amniga guud ee Gobalka Bari Sidoo kalle inta uu socday shirka amniga Gobalka Bari ayaa diirada lagu saarey sida ugu haboon ee loo xoojin karo amaanka guud.

    Taliyaha Qeybta G/Sare Xuseen Cali ayaa kulankan ku shaacisey in aan la aqbali doonin soo galinta waxyaabaha maanka dooriya Guddaha Magaalooyinka Gobalka Bari isagoona ku amray Baraha Gadiidka in ay labajabaraan Baarista Gadiidka Soogala Magaalada si looga hortago wax walba oo dhibaato amni iyo mid Nafeed u geesanaya shacabka iyo Dhalinyarada.

    Inta uu socday kulankaan ayuu Taliyuhu sharaxaad ka bixiyay Go’aanada kasoo baxay shirkaas isagoona sheegay in sidoo kale aan la aqbali Karin in hub sharci darro ah lagu dhex qaato gudaha Magaalada waxana uu dhamaan amray Sarakiisha in shacabka aan lagu dhibaateen Dareeska ciidanka Dowlada.

    Ugu Danbeyn Taliye Xuseen Cali Maxamuud ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay shaqooyinka ay hayaan laamaha amaanka Gobalka isagoona u mahadceliyay Ciidamada kala duwan ee Dowlada Puntland oo ka howlgala Gobalka Bari.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    December 24, 2025

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    December 24, 2025

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    December 24, 2025
    Latest Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Xaafiiska Siyaasada QM Ee Somaliya oo Albaabada layskugu dhufanayo

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.