Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxkamadda ICC oo furtay gal dacwadeed lagu baarayo Xasuuqa Israel ee falastiin
    Somalia

    Maxkamadda ICC oo furtay gal dacwadeed lagu baarayo Xasuuqa Israel ee falastiin

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 4, 2021No Comments4 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xeer ilaaliyaha guud ee Maxkamadda Dambiyada Dagaal ee ICC ayaa furtay gal dacwadeed rasmi ah oo lagu baarayo eedeymo dambiyo dagaal oo Israel ka geysatay dhulka Falastiin tan iyo bishii June 2014.Fatou Bensouda, ayaa sheegtay in baaritaanada ku saabsanaan doonaan ficilada Isrealiyiintu ka geysteen Jiidda Gaza iyo bariga magaalada barakeysan ee Qudus.

    Saraakiisha Isrealiyiinta ayaa diiday go’aanka xeer ilaaliyaha, balse Falastiiniyiinta ayaa soo dhaweeyay talaabada, sidoo kale Mareykanka ayaa muujiyay sida uusan ugu faraxsaneyn go’aanka ICC.

    Maxkamadda ICC ayaa waxay awood sharciyeed u leedahay in ay baarto isla markaana ciqaabto kuwa lagu eedeeyo in ay xaquuq iyo dambiyo aadanaha ka dhan ah galeen, sida uu dhigayo heshiiska Rome ee maxkamaddu lagu unkay.

    Israel kama mid aheyd dalalkii saxiixey heshiiska Rome, laakiin maxkamaddu waxay sheegtay in ay ikhtisaas u leedahay sababta oo ah xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa Falastiniyiinta ka aqbalay heshiiskaas 2015.Israel ayaa Daanta Galbeed, Jiidda Gaza iyo Bariga Qudus ku qabsatay dagaalkii Bariga Dhexe ee 1967.

    Falastiin ayaa sheegaysa in dhulkaas uu yahay mustaqbalka dowladda Falastiniyiintu. Maxaa kiciyay go’aanka dacwad oogaha?War saxaafadeed arbacadii la soo saaray ayay Ms Bensouda ku faah faahisay in xafiiskeeda waajib ku yahay in uu talaabo qaado isla markaana la go’aamiyo cidda mas’uulka ka aheyd ficiladaas ka dib baaritaanka.

    Waxay sheegtay in ay jireen baaritaano hor u dhaca ah oo si madaxa banaan loo fuliyay kuwaas oo ku dhowaad shan sano socday.

    “Wax agenda kale oo aan leenahay ma jirto waxaa gudanaynaa waajibaadka uu nasiiyay heshiiskii Rome,” ayay tiri. Iyadoo xustay inay diiday inay baarto dilkii 2010-kii ay ciidamada Israa’iil u geysteen 10 qof oo Turki ah kuwaas oo la socday markabka Mavi Marmara ee ku sugnaa xeebta magaalada Gaza.

    Ra’isul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in go’aanka ICC uu yahay dareen Yuhuud naceyb ah iyo dareen munaafaqnimo.

    “Maxkamadda waxaa loo aas aasay in ay ka hor tagto soo laabashada ficilada Naazigii uu ku sameeyay dadka iyo dowladda Yuhuudda laakiin hadda anagii ayay nagu soo jeesatay ,” ayuu sheegay.

    Afhayeenka waaxda arrimaha dibadda Mareykaka Ned Price ayaa dhaleeceysay go’aanka ICC.”Waxaan si adag uga soo hor jeednaa isla markaana ka xunnahay go’aanka xeer ilaaliyaha ICC ay ku dhawaaqday kaas oo ah in ay baareyso wixii ku dhacay Falastiniyiinta ,” ayuu yiri afhayeenka.

    Waxaa uu intaas ku daray in Mareykanka ka go’an tahay sii wadista taageerada xoogan ee Israel oo ay ku jirto in aan ka hor nimaadno ficilada aan caddaaladda aheyd ee Israel lagu beegsanayo.

    Wasiirka arrimaha dibadda Falastiin Riyaad al-Maaliki ayaa sheegay in dambiyada ay ka galeen shacabka Falastiin hogaanka gumeystaha uu wali u socdo si xiriir ah isla markaana aad u baahay, baaritaanada arrintaas waa mid lagama maarmaan ah oo deg deg ah.Sidoo kale, dhaq dhaqaaqa Xamaas ee maamulka Gaza ayaa soo dhaweeyay go’aanka ICC.

    Ayagoo xusay in ay tahay talaabo dhanka caddaaladda loo qaaday.Hey’adda Human Rights Watch ayaa sheegtay in indhaha ku sii jeedaan xeer ilaaliyaha cusub ee ICC in ay sii wadayso iyo in kale, dhammaan dalalka xubnaha ka ah maxkamadda ICC waxay si adag uga soo hor jeedaan in shaqada Maxkamadda saameyso cadaadis siyaasadeed.

    Maxay yihiin dambiyada la baarayo?Baaritaanada hor u dhaca ah oo ay sameysay Ms Bensouda ayaa lagu ogaaday in arrimaha diiradda la saarayo ay kamid yihiin howlgalada militiriga Israel uu ku qaaday Jiidda Gaza, deegaameynta sharci darada ah ee bariga magaalada barakeysan ee Qudus iyo waxyaabo kale oo dhacay laba soo bilaabo 13 June, 2014.

    Waa hal bil ka hor inta uusan bilaaban dagaalkii u dhexeeyay dagaalyahnada Falastiin ee Gaza jooga iyo militiriga gumeysiga Israel, dagaalkaas waxaa lagu dilay 2,251 Falastiniyiin ah ay ku jiraan 1,462 shacab ah iyadoo 67 askari oo Israel ah iyo lix shacab ah ku naf waayeen iska hor imaadkaas socday 50 maalin.

    Dacwadda ayaa lagu soo oogayaa askar ka tirsan ciidanka difaaca Israel, Xamaas iyo kooxo kale oo Falastiin ah, sida ay sheegtay xeer ilaaliye Fatou Bensouda.

    Xeer ilaaliyaha ayaa sidoo kale xustay in ficilada ka dhacaya bariga magaalada Qudus loo tirin karo dambiyo dagaal waxaana la baarayaa qaar kamid ah mas’uuliyiinta Israel oo arrintaas mas’uul ka ahaa.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    December 24, 2025

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    December 24, 2025

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    December 24, 2025
    Latest Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Xaafiiska Siyaasada QM Ee Somaliya oo Albaabada layskugu dhufanayo

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.