Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»QM: Falal noqon kara dambiyo dagaal ayaa ka dhacay Tigray
    Somalia

    QM: Falal noqon kara dambiyo dagaal ayaa ka dhacay Tigray

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 4, 2021No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxa xuquuqda aadanaha QM ayaa maanta weydiisatay Ethiopia inay ogolaato kormeerayaal yimaada gobolka Tigray, si ay baaritaan ugu sameeyaan warbixino la xiriira dilal iyo rabshado galmo, oo laga yaabo inay ka dhigan yihiin dambiyo dagaal oo gobolka ka dhacayey tan iyo daba-yaaqadii 2020.

    “Dhibanayaasha iyo kuwa ka bad-baaday xadgudubyadan waa inaan loo diidin xuquuqda ay u leeyihiin runta iyo cadaaladda,” ayey Michelle Bachelet ku tiri bayaan ay soo saartay, ayada oo muujisay inay ka cabsi qabto in xadgudubyada ay sii socdaan, haddii aan la helin baaritaan dibedda ah.

    Dagaal u dhaxeeya ciidamada federaalka Ethiopia ee ra’iisul wasaare Abiy Ahmed iyo kuwa ururka xukuma gobolka ee TPLF ayaa dilay kumanaan qof, kuna qasbay boqolaal kun oo kale inay ka qaxaan guryahooda.

    “Xadgudubyo darran oo ka dhan ah xeerarka caalamiga ah, oo ay suurta-gal tahay inay ka dhigan yihiin dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah bani’aadannimada, ayaa waxaa suurta-gal ah inay gaysteen dhinacyo kala duwan,” ayey tiri Bachelet, ayada oo xustay ciidamada Ethiopia, TPLF, Militariga Eritrea iyo ciidamada gobolka deriska ah ee Amxaarada.

    Warbixinta Bachelet ayaa sheegtay in 136 kiis oo kufsi ah lasoo weriyey intii u dhaxeysay December illaa Janaayo, ayada oo ay jiraan tilmaamo muujinaya kuwa badan oo aan lasoo werin. Waxay sidoo kale xustay kiisaska dilal ula kac ah oo loo gaystay shacab.

    Dowladda Abiy, maamulka Tigray, TPLF iyo sidoo kale kale mas’uuliyiinta Amxaarada iyo Eritrea ayaan laga helin jawaab deg deg oo ku aadan bayaanka QM.

    Ayada oo goobjoogeyaal ay xuseen kiisas xadgudub, oo ay ka mid yihiin dil, bililiqo iyo xasuuq ka dhan ah qaxooti, ayaa dhinacyada dagaalamaya waxa uu midba mid kale ku eedeyey dhibaatada dhacday.

    Abiy ayaa guul sheegtay markii TPLF ay ka baxday caasimadda gooblka ee Mekelle, dhammaadkii bishii November 2020, hase yeeshee dagaal hoosaad ayaa kasii socday meelaha qaar, sida ay sheegeen dad ku sugan Tigray iyo qiimeynta QM.

    “Warbixino laga naxo oo ku saabsan kufsi iyo rabshado jinsi ku saleysan, dilal ka baxsan cadaaladda, burbur baahsan iyo bililiqeysiga hanti dowladeed iyo mid gaar loo leeyahay, oo ay gaysanayaan dhammaan dhinacyada, ayaa nalala wadaagayaa,” ayey tiri madaxa xuquuqda aadanah ee QM Michelle Bachelet.

    Dowladda madaxweyne Isais Afwerki ee Asmara ayaa horey u beenisay inay wax lug ah ku leedahay dagaalka, halka maamul Abiy ee Addis Ababa, uu marar badan ku celiyey inuus oo celinayo amarka iyo kala dambeynta.

    Xafiiska Abiy ayaa bayaan uu soo saaray Arbacadii ku sheegay inuu baarayo tuhunada ku saabsan xadgudubyada, uuna cadaaladda horkeeni doono kuwa gaystay.

    Xigasho: VOA

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    December 24, 2025

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    December 24, 2025

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    December 24, 2025
    Latest Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Xaafiiska Siyaasada QM Ee Somaliya oo Albaabada layskugu dhufanayo

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.