Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Tobaneeyo Muhaajiriin oo laga tuuray doon ka baxday Jabuuti
    Somalia

    Tobaneeyo Muhaajiriin oo laga tuuray doon ka baxday Jabuuti

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 4, 2021No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Tobaneeyo muhaajiriin African ah ayaa laga cabsi qabaa inay dhinteen Arbacadii kadib markii ay tahriibiyeyaal ay ku tuureen badda Jabuuti, xilli ay kusii jeedeen Yemen, ayaga oo rajeynaya inay garaaan Sacuudi Carabiya, si ay shaqo uga helaan.

    Doonta oo sidday 200 oo muhaajiriin ah ayaa ka tagtay xeebta Oulebi ee Jabuuti, 2:00 am, sida ay sheegtay Yvonne Ndege, oo ah afhayeenka hay’adda caalamiga ah ee socdaalka ee IOM.

    Hase yeeshee dad ka bad-baaday dhacdadan ayaa sheegay in saacad kadib markii ay doonta baxday, ay tahriibiyayaashu go’aamiyeen in doonta uu culeyska ka batay, ayna ka tuureen 80 qof, sida ay sheegtay Ndege.

    Waxa ay ku warrantay in illaa iyo hadda la helay meydadka shan qof.
    Dadka inta badan ku harqama xeebaha Jabuuti, ayaa ka yimaada dalalka Soomaaliya ama Ethiopia, ayaga oo isku dayaya inay ka baxsadaan saboolnimada ka jirta dalalkooda, islamarkaana shaqooyin ka raadinaya dalalka Sacuudi Carabiya ama Imaaraadka Carabta.

    Qaarkood ayaa marka ay gaaraan Yemen ku xannibma, kadib marka ay ku guul-darreystaan inay u gudbaan xuduudda Sacuudiga, waxayna kadib mararka qaar badda ku harqamaan ayaga oo isku dayaya inay dalalkooda kusoo laabtaan.

    REUTERS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    December 24, 2025

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    December 24, 2025

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    December 24, 2025
    Latest Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Xaafiiska Siyaasada QM Ee Somaliya oo Albaabada layskugu dhufanayo

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.