Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Qaramada Midoobey oo baaq u dirtay Madaxda Soomaaliyeed
    Somalia

    Qaramada Midoobey oo baaq u dirtay Madaxda Soomaaliyeed

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 8, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Awgeed, Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay ku bogaadiyeen haweenka Soomaaliyeed kaalintooda mugga leh ee ku aaddan nabadda iyo horumarka dalka, waxayna ku baaqeen in madaxda Soomaaliyeed ay qaadaan tallaabo cad si loo xaqiijiyo sinnaanta jinsiga iyo ka-qaybgal buuxa oo haweenku ku yeeshaan dhammaan qaybaha nolosha

    “Sanadihii la soo dhaafay oo dhan, haweenka Soomaaliyeed waxay door aan caadi ahayn ku lahaayeen dib-u-heshiisiinta, nabadaynta, iyo horumarka,” ayuu yiri Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

    “Wadahadalka aan la yeesho dadka Soomaalida, waxay intooda badan ii sheegaan in haweenku ay yihiin laf-dhabarta bulshada Soomaaliyeed. Waxaa la joogaa waqtigii arrintan la aqoonsan lahaa looguna bedeli lahaa wax-qabad iyo fursado la taaban karo oo haweenka Soomaaliyeed ay uga qaybqaadan karaan go’aan qaadashada siyaasadeed iyo inay sare u qaadaan awooddooda hoggaamineed.”

    Hal-kudhigga sanadkan ee Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka ayaa ah ‘Haweenka hoggaanka haya: Xaqiijinta mustaqbal loo siman yahay iyadoo dunida uu ka jiro cudurka COVID-19’. Iyadoo Soomaaliya ay la kulantay mowjad cusub ee cudurka saf-marka ah ee COVID-19, ayaa Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay qirayaan dadaallada baaxadda leh ee haweenka Soomaaliyeed ee ku biiray dadaallada waxqabadka qaran ee lagu ilaalinayo bed-qabka qoysaska iyo bulshada.

    “Iyadoo la bogaadinayo adkeysiga haweenka, haddana waa in aan xasuusnaano in Soomaaliya iyo meelo kale oo ka mid ah dunida, uu cudurku si xad-dhaaf ah u saameeyo haweenka iyo gabdhaha, maadaama ay wajahayaan hubanti la’aan dhaqaale oo sii kordheysa, rabshado, iyo amni-darro. Wax badan ayaa loo baahanyahay in laga qabto dhanka ka-hortaga iyo sidoo kale in la hubiyo inay jiraan adeegyo ku filan oo loo heli karo dhibbanayaasha iyo kuwa kasoo badbaada, ”ayuu yiri Md. Swan.

    Ka-hor doorashooyinka kusoo fool leh Soomaaliya, Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay ku boorinaysaa dhamaan saamilayda Soomaaliyeed inay ixtiraamaan ballanqaadkii la sameeyay ee ahaa hirgelinta qoondada haweenka ee boqolkiiba 30 ee lagu heshiiyay marka la dooranayo wakiilada Aqalka Sare iyo Baarlamaanka 11aad.

    Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka ayaa laga xusayay adduunka oo dhan lagasoo billaabo 1975kii, si loogu dabaaldego guulaha bulsho, dhaqaale, dhaqan iyo siyaasadeed ee haweenku gaareen. Maalintan waxay kusoo beegantay baaqa waxqabad ee lagu dardar-gelinayo sinnaanta jinsiga.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    December 24, 2025

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    December 24, 2025

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    December 24, 2025
    Latest Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Xaafiiska Siyaasada QM Ee Somaliya oo Albaabada layskugu dhufanayo

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.