Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»James Swan oo Warbixin ku saabsan xaalada Soomaaliya u gudbinaya Golaha Ammaanka
    Somalia

    James Swan oo Warbixin ku saabsan xaalada Soomaaliya u gudbinaya Golaha Ammaanka

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 12, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta oo Jimco ah kulan ka leh Xaaladda Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada Amniga, Doorashooyinka & is marin-waaga siyaasadeed ee hareeyay marxaladda looga gudbayo geedi socodka muddo xileedka dowladda waqtigeedu dhammaaday.

    Sida ku xusan war kasoo baxay Golaha ammaanka Todobaadkaan, fadhiga waxaa warbixin guud laga dhageysanayaa Wakiilka xoghayaha guud Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan oo gunta uga jiray wada-xaajoodka Siyaasadeed & la socodka dhaq-dhaqaaqa ficilka loogu rogayo heshiiska 17-kii September 2020 laga gaaray Doorashooyinka balse ku dhaqaaqisteeda caqabadaha hareeyeen.

    Swan ayaa kulamo siyaasadeed toos ugu horfadhiistay dhinacyada lafta-dhabarta u ah hirgelinta heshiiska Doorashooyinka, halka qaarkood uu kala hadlay muuqaalka Fogaan-Aragga (Video Conference) si loo dhammeeyo caqabadaha taagan.

    Golaha ammaanka ayaa xoogga saaraya sidii loo qaban lahaa Doorashooyinka Soomaaliya muddo gaaban si xasiloon oo ay wada-ogol yihiin Madaxda Federaalka & Dowlad Goboleedyada oo gacmahooda ku saxiixay 17-ka September 2020.

    Fadhiga Golaha ammaanka oo ku qabsoomaya Muuqaalka Fogaan-aragga waxaa dhankooda la dhageysnayaa danjirayaasha wakiilka ka ah 5-ta dal ee joogtada ah & 10-kale ee ku yimaada Doorashooyinka si xog-uruurintooda gaba-gabada kulanka loogu soo daro Warsaxaafadeedka ku xusan natiijada kulankaas.

    Golaha ammaanka ayaa sidaan oo kale fadhi gaar ah ka yeeshay Arrimaha Soomaaliya 22-kii Febaraay0 2021, waxaana golaha uu ku baaqay in la qabto doorashooyinka lagu heshiiyay oo muhiim u ah howlaha geedi-socodka Soomaaliya, maadaama afartii sanno mar la qabto Doorasho tixane ah tan & sanadkii 2000.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    December 24, 2025

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    December 24, 2025

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    December 24, 2025
    Latest Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Xaafiiska Siyaasada QM Ee Somaliya oo Albaabada layskugu dhufanayo

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.