Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Golaha Amniga ee QM “Soomaaliya waa in ay ka dhacdo doorasho aan mar kale dib u dhicin”
    Somalia

    Golaha Amniga ee QM “Soomaaliya waa in ay ka dhacdo doorasho aan mar kale dib u dhicin”

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 13, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ayaa jimcihii meel mariyay qaraar lagu kordhinayo waqtiga howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ilaa bisha Diseembar, waxayna ugu baaqeen maamulada Soomaaliya in ay qabtaan doorashooyinka “dib u dhac dambe la’aan ah.”

    Qoraalka oo ka kooban 13-bog oo ay soo diyaarisay Britain ayaa waxaa si aqlabiyad leh ku ansixiyay 15-ka xubnood ee Golaha, sida ay sheegeen ilo diblomaasiyadeed

    Waxay cadeysay inay adagtahay in lasoo afjaro sababo laxiriira khilaafaadka bishii lasoo dhaafay udhaxeeyay wadamada reer galbeedka iyo xubnaha Afrikaanka ah ee golaha, oo ay kujiraan Kenya, Niger iyo Tunisia, kuwaas oo xitaa London ku qasbay inay dib u dhigto codeynta 15 maalmood.

    Su’aasha ku saabsan maalgalinta ciidamada Midowga Afrika, ee loo yaqaan Amisom, ayaa ka mid ahayd qodobadii la isku hayey.

    Kadib markii lagu dhawaaqay natiijada codbixinta, Niger waxay soo saartay, iyadoo kuhadleysa magaca dowladaha xubnaha ka ah Afrika, bayaan dheer oo xasaasi ah oo kusaabsan sida wadahadalada ay uqabatay Ingiriiska, oo ay sheegtay inay iska indhatireen qaar kamid ah tabashooyinkooda.

    “Qaar ka mid ah soo-jeedimadeennii waa la diiday iyadoo aan la helin sharraxaad lagu qanci karo ama midna,” ayuu yiri Abdou Abarry, oo ah danjiraha Niger.

    Wuxuu yiri “qoraalka ugu dambeeya kama tarjumayo mowqifyada Midowga Afrika.”

    Soomaaliya ayay sheegtay waqtigii loo qabtay inay ku qabsoonto doorashada ugu dambeyn 8-da Febraayo, xilligaas oo uu xilka ka dagi lahaa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed,  taas oo xiisad dastuuri ah ka dhalisay dowladdii horey u jilicsaneyd.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    December 24, 2025

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    December 24, 2025

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    December 24, 2025
    Latest Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Xaafiiska Siyaasada QM Ee Somaliya oo Albaabada layskugu dhufanayo

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.