Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Akhriso: Shan qodob oo muujinaya sida Kenya ay u diidaneyd ICJ
    Somalia

    Akhriso: Shan qodob oo muujinaya sida Kenya ay u diidaneyd ICJ

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 14, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Iyadoo maalinta berri lagu wado in Maxkamadda ICJ ay bilowdo dhageysiga dacwadda Badda ayaa waxaa soo baxaya in Kenya ay qorsheyneyso inay ka baaqato dhageysiga dacwadda.

    Kenya ayaa waligeed diidaneyd in dacwada badda lagu dhammeeyo Maxkmadda horteeda, waxaana taa  bedelkeed ay rabtay in wadahadal iyo meelo kale lagu xalliyo.

    Hase ahaatee dowladda Soomaaliya oo dacwada gudbisay sanadkii 2014 ayaa diiday isku day kasta oo ay Kenya ku dooneyso arrintaas iyo in la aado meel ka baxsan Maxkamadda

    Haddaba waxaa halkan ku soo koobeynaa shan qodob oo ka mid ah isku dayadii Kenya:

    1. Billowgii waxa ay ku doodday in maxkamadda ICJ ayaan awood sharciyadeed u lahayd kiiska.

    -ICJ ayaa xukmisay in ay awood u leedahay kiiska, ayna qaadayso
    2. Waxa ay ku doodday in dacwada lagu xalliyo hab diblomaasiyadeed

    -Soomaaliya ayaa ka diidday oo sheegtay in isku daygii diblomaasiyaddu uu fashilmay.

    3. Dhowr jeer ayay codsatay in dib loo dhigo dhagaysiga dacwada iyo ballamo kale oo muddaysnaa

    – Waa laga yeelay marka laga reebo codsigeedii ugu dambeeyay oo ay maxkamaddu diidday.

    4. Waxa ay isku dayday in dacwada ay galaan Midowga Afrika ayadoo ajandaha gaysay golaha ammaanka ee Midowga Afrika, Soomaaliya ayaa diidday, goluhuna waa uu joojiyay arrintaas.

    5. Hadda waxaa la soo sheegayaa in ay ka baaqanayso dhagaysiga kama dambaysta ah ee berri ka dhacaya The Hague.

    -Ma filayo in loo joojin doono, mana ahan markii ugu horreysay ee dhinac ka mid ah dowlado ay dacwo ka dhaxaysay ay ka baaqdaan dhagaysi ama
    Xataa xukunka maxkamadda.
    Kenya waxa uu hadafkeedu ahaa in ay waqti badan socoto maxkamaddu -taas oo soo jiitantay 7 sano- ayada oo doorbidaysay in dacwada lagu xalliyo hab diblomaasiyadeed. Sidaas darteed wax lala yaabo ma ahan in ay marmarsiyo cusub la timaado.

    Baddaas Waxaa iska leh Soomaaliya. Waxaana rajaynayaa in ay maxkamaddu caddayso dhawaan.

    Waxaa qoray: Yuusuf Sheekh Ciise

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    December 24, 2025

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    December 24, 2025

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    December 24, 2025
    Latest Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Xaafiiska Siyaasada QM Ee Somaliya oo Albaabada layskugu dhufanayo

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.