Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Mareykanka oo war adag kasoo saaray xaalada cakiran ee Soomaaliya
    Deputy Secretary of State Antony Blinken testifies on Capitol Hill in Washington, Thursday, Sept. 29, 2016, before the Senate Foreign Relations Committee hearing on Syria. (AP Photo/Jose Luis Magana)
    Somalia

    Mareykanka oo war adag kasoo saaray xaalada cakiran ee Soomaaliya

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 19, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Antony J. Blinken Xoghayaha arimaha dibada Maraykanka oo qoraal soo saaray ayaa kula taliyay Madaxda Dowladda Faderaalka iyo Dowlad-goboleedyada dalka in ay si deg deg ah u qabtaan doorashooyinka dalka.

    “Mareykanku wuxuu aad uga walaacsan yahay jahwareerka doorashooyinka ee ka jira Soomaaliya, taasoo abuureysa hubanti la’aan siyaasadeed oo khatar ku ah amniga, xasilloonida, iyo horumarka dalka.”  Ayaa laga lugu suxay qoraalka wasaarada arimaha dibada Maraykanka.

    “Waxaan ugu baaqeynaa madaxda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah Soomaaliya in ay dhinac iska dhigaan ujeeddooyinka siyaasadeed ee ciriiriga ah, ayna ilaaliyaan waajibaadka ka saaran dadka Soomaaliyeed, ayna oggolaadaan in si deg deg ah loo qabto doorasho hufan oo loo dhan yahay” ayaa yiri xoghayaha arimaha dibada Maraykanka.

    “Caqabada hada jirta waxa ay wiiqayaan horumarka la sameeyay ilaa maanta, waxa ay a dib u dhigayaan dib u habeynta dhaqaalaha iyo wadada loo marayo cafinta deynta oo dhameystiran, waxayna caqabad ku tahay la dagaalanka argagixisada” ayaa lagu xusay bayaanka.

    “ Mareykanku wuxuu taageerayaa xuquuqda muwaaddiniinta Soomaaliyeed ay u leeyihiin in ay ku mudaaharaadaan si nabad ah oo ay si adag uga soo horjeedaan adeegsiga rabshadaha ee koox kasta. Waxaan ka codsaneynaa madaxda Soomaaliya in ay ilaaliyaan mustaqbalka dalka oo ay helaan heshiis si dhakhso leh loogu qabto doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxweynaha” ayaa lagu soo xiray bayaanka.

    Qoraalka Maraykanka ayaa imaanaya iyada Madaxda Dowladda Faderaalka Soomaaliya mudo xileedkoodu dhamaaday walina aan xal laga gaarin Khilaafka doorashooyinka Soomaaliya, waxaana madaxda maamulada ay ku suganyihiin magaaladda Muqdisho manajirto wax hormar oo laga sameeyay khilaafka doorashooyinka.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    December 24, 2025

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    December 24, 2025

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    December 24, 2025
    Latest Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Xaafiiska Siyaasada QM Ee Somaliya oo Albaabada layskugu dhufanayo

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.