Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dawladda Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan, oo ka hadlay mudaharaadkii fashilmay ee Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS ka Abaabulay Degmada Dhahar ee Gobolka Heylaan.
Wasiir Gallan oo wareysi siinayay BBC Soomaali, ayaa sheegey in dastuurka Dowlada Puntland uu fasaxayo mudaharaad nabad-galyo ku dhaca, balse marnaba aan la aqbali karin mudaharaad khal-Khal lagu galinayo Ammaanka.
Wasiirka Amniga Puntland ayaa xusey in laamaha amaanku ay ku guulaysteen inay dadka qaska waday ee mudaharadkaan samaynayay ay kala kaxeeyaan, iyadoon cidna wax gaarin.
