Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Al-Shabaab oo ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Jabuuti
    Somalia

    Al-Shabaab oo ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Jabuuti

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 29, 2021No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Kooxda Al-Shabaab ayaa ku baaqay hawlgallo ka dhan ah danaha Faransiiska iyo Mareykanka ee Jabuuti ka hor doorashooyinka madaxweynenimo ee dalkaas ka dhacaya 9 Abriil 2021.

    Hadalkaan waxaa sheegay hoggaamiyaha kooxda Alshabaab Axmed Cali Diiriye Abuu Cubayda oo jeediyay khudbad dheer oo uu kaga hadlayay kaalinta Jabuuti kaga jirto dagaalka lagula jiro Alshabaab.

    Hoggaamiyaha Alshabaab Abuu Cubayda ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha Jabuuti iyo Faransiiska, isagoo sheegay inay isku bahaysteen dagaalka muslin nacaybka waa sida uu hadalka u dhigay.

    Bishii May ee sanadkii 2014, Alshabaab ayaa weerarkii ugu horeeyay oo ismiidaamin ah ka geystay magaalada Jabuuti, iyagoo beegsaday xarumo ay iskugu yimaadaan dadka Ajnebiga ee dalkaas ku dhaqan.

    Weerarkaas oo ay fuliyeen labo qof oo nin iyo xaaskiisa ah, ayaa waxaa ku dhintay saddex qof oo labo kamid ah ay ahaayeen ismiidaamiyaasha iyo dhaawaca 11 kale.

    Alshabaab waxay weerarkaas ku tilmaameen inuu qeyb ka ahaa dagaalka  ka dhan ah reer galbeedka ka soo horjeeda Islaamka.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    December 24, 2025

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    December 24, 2025

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    December 24, 2025
    Latest Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Xaafiiska Siyaasada QM Ee Somaliya oo Albaabada layskugu dhufanayo

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.