Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dowlad deegaanka Soomaalida oo shuruud ku xiray doorashada Itoobiya
    Somalia

    Dowlad deegaanka Soomaalida oo shuruud ku xiray doorashada Itoobiya

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 30, 2021No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Maamulka dowlad deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa guddiga dorashooyinka qaranka ee dalka Itoobiya u sheegay cabashada deegaanka haddaan laga jawaabin iney ku adkaaneyso doorashada soo socota iney ka qayb galaan.

    Warqad uu maamulka deegaanka Soomaalida uu si toos ah ugu qoray guddiga doorashaada qaranka Itoobiya ayuu deegaanka ku codasaday iney guddiga dooorashooyinka dib uga laabtaan go’aanka ay ka gaareen 30 goobood oo cod bixin ah oo hoos tagto 8 tuulo oo ka tirsan deegaanka Soomaalida goobo codbixin ay ka sameeyaan ayna ku soo celiyaan deegaanki ay horay uga tirsanaayeen.

    Warqad maalinti shalay ahayd ka soo baxday xafiiska madaxweynaha DDS waxaa lagu shaaciyey maamulka deegaanka iney eegeen guddiga doorashooyinka oo ka duulayo cabasho uga timid deegaanka Canfarta go’aanka uu ka gaaray inaan goobo codbixin laga sameyn 30 deegaan doorasho oo deegaanka Soomaalida horay u hoostagi jirtay.

    Guddiga doorashooyinka wuxuu sheegay 8-dda tuulo ee aan loo asteyn goobo codbixin iney kala yihiin: Gala’eto/Cadayle; Adaytu/Adayitu; Teot/Allaale; Gurmudali/Danlahelay; Undafo/CAndhuufo; Gadamaytu/GarbaCiise; Afaso/Afuase; iyo Balaiti Gona/Madani, deegaannada Soomaalida iyo Cafratana tuulooyinkasi magacyo kala duwan looga yaqaanno.

    Deegaanka Cafartana dhankiisa wuxuu dalbaday inuu 30-ka deegaan doorasho ee codbixinta iyo tuulooyinka hoos yimaaddaba in maamulkooda la hoos geeyo doorashadana ay deegaanka Cafarta u dhacdo.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    December 24, 2025

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    December 24, 2025

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    December 24, 2025
    Latest Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Xaafiiska Siyaasada QM Ee Somaliya oo Albaabada layskugu dhufanayo

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.