Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Mareykanka oo xayiraada dhaqaale ku kordhiyay Soomaaliya
    Somalia

    Mareykanka oo xayiraada dhaqaale ku kordhiyay Soomaaliya

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 2, 2021No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa kordhiyay muddo sanad ah cunaqabateyn lagu xayiray Dhaqaalaha Soomaaliya, iyadoo labadii Madaxweyne ee ka horreeyay Barack Obama iyo Donald Trump ay hore tallaabadan oo kale ku dhaqaaqeen.

    Qoraal kooban oo ka soo baxay Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in madaxweyne Biden uu saxiixay warqadda kordhinta Cunaqabateynta Dhaqaalaha Soomaaliya ee loo cuksaday arrimaha dhanka amniga.

    “Iyada oo la qadarinayo Xaaladda Soomaaliya, Amniga iyo Siyaasadda waxa ay ku socdaan meel khatar ah, Siyaasadda qaran ee Arrimaha dibadda Mareykanka ayaa lagu qiimeyay xaaladda aan caadi ahayn” Sidaasi waxaa lagu yiri Warqadda Aqalka Cad kasoo baxday.

    “Sababta xaaladda Degdega ah dhalisay ayaa lagu dhawaaqay 12-kii April 2010, waxaana tallaabada la qaaday 20-ka July 2012, waana in aan sii wadnaa xayiraadda laga bilaabo 12-ka April 2021”. ayaa ka mid ahaa ereyadii lagu qoray qoraalka.

    Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in uu ilaalinayo amarka Tirsigiisu yahay 13556 taas oo ka dhigan in uu sii soconayo 12-ka Bilood soo socota oo waxaa qiimeyn lagu sameynayaa sanad kadib sida ay sheegtay Warbaahinta Mareykanka oo si qoto dheer u gashay nuxurka cunaqatabeyntaas.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    December 24, 2025

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    December 24, 2025

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    December 24, 2025
    Latest Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Xaafiiska Siyaasada QM Ee Somaliya oo Albaabada layskugu dhufanayo

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.