Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweynaha Puntland oo 2 arrimood dartood u tagaya Dalka Imaaraadka carabta
    Somalia

    Madaxweynaha Puntland oo 2 arrimood dartood u tagaya Dalka Imaaraadka carabta

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 4, 2021Updated:May 4, 2021No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland H.E Said Abdullahi Deni, ayaa dhowaan u socdaali doona dalka Imaaraadka Carabta, sida laga soo xigtay saraakiil katirsan Madaxtooyadda Puntland.

    Madaxweyne H.E Said Abdullahi Deni ayaa Garoowe ka duuli doona illaa horaanta todobaadka soo socda, wallow aan si rasmi ah loo ogeyn ujeedada safarkiisa Dubai.

    Xubno kamid ah Xukuumadda Puntland ayaa Idilnews u sheegay in Madaxweyne Deni uu Imaaraadka Carabta u aadi doono arrimo isugu jira shaqo iyo Caafimaad, waxaana uu kulan kula yeelan doonaa Dubai Madaxda Shirkadda DP World ee gacanta ku heysa dekedda Boosaaso, oo marar badan ay baaqdeen kulamo ay yeelan lahaayeen.

    Deni ayaa marar badan warbaahinta dhaleeceyn u mariyay Shirkadda DP World, oo uu sheegay in aysan fulin heshiiskii ay la gashay Puntland ee la xariiray balaarinta Dekedda Boosaaso, waxaana uu ka joojiyay bilo kahor lacag si toos ah ugu dhici jirtay gacantooda oo ay ka qaadi jireen dekedda.

    Socdaalka Madaxweyne Said Abdullahi Den, ayaa kusoo aadaya xilli habeen kahor uu Ra’iisul Wasaraaha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah Mohamed Hussein Roble uu iclaamiyay 20 bishan May, Shir u dhexeeya Madaxda DFS iyo Dowlad Gobaleedyada, kaas lagu dhameystirayo heshiiskii doorashooyinka ee 17-kii September. wallow aysan Puntland illaa hada cadeyn mowqifkeeda shirkaas iyo in ay tagi doonto.

    Idilnews

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Isbarbardhiga doorashada Xasan iyo doorashooyinka SL&PL

    December 26, 2025

    Puntland oo uheshay mashruuc Wadada Galkacyo-Goldogob

    December 26, 2025

    Shiine”Maraykanku,wuxuu isku dirayaa anaga iyo Hindiya”.

    December 26, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Isbarbardhiga doorashada Xasan iyo doorashooyinka SL&PL

    Puntland oo uheshay mashruuc Wadada Galkacyo-Goldogob

    Shiine”Maraykanku,wuxuu isku dirayaa anaga iyo Hindiya”.

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Xaafiiska Siyaasada QM Ee Somaliya oo Albaabada layskugu dhufanayo

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.