Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dalalka G7 “Madaxda Soomaalida waa in ay ka fogaadaan falalka xiisada sii hurin kara”
    Somalia

    Dalalka G7 “Madaxda Soomaalida waa in ay ka fogaadaan falalka xiisada sii hurin kara”

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 6, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasiiradda Horumarinta iyo Arrimaha Dibadda ee dalalka G7 ayaa sheegay inay si aad ah ugu walaacsanyihiin jahaweeerka siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya, isku dhacyadii rabshadaha watay ee u dhexeeyay dowladda iyo xooggaga mucaaradka iyo musiibooyinkii bini’aadanimo ee ka dhashay rabshadahaas.

    Dowladaha G7 ayaa sheegay inay sidoo kale ka xumaadeen go’aankii lagu kordhiyay muddada Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, taasoo ay ku sheegeen inay u arkayeen inaysan xal u aheyn geeddi socodka doorashooyinka, isla markaana ay wiiqeysay kalsoonida, nabadda, mustaqbalka dadka iyo horumarka hay’adaha dowliga ah.

    “Waxaan soo dhaweyneynaa ansixintii Baarlamaanka ee 1-dii March ee aheyd db u billaabista wadahadallada u dhexeeya dowladda Federalka iyo madaxda maamul goboleedyada, kuwaas oo ujeedkoodu yahay in la dhameystiro hannaanka doorashada ee ku saleysan heshiiskii 17-kii September” ayaa lagu yiri bayaan Arbacadii ka soo baxay shirkii waddamada G7 ee ka dhacay London.

    “Waxaan hoosta ka xarriiqeynaa in aynaan taageeri doonin geeddi-socod babar-socod ah, mid aan loo dhamayn, ama dadaallo cusub oo horseedaya kordhinta muddo xileedkii hore. Waxaan ku boorinaynaa dhamaan madaxda Soomaaliyeed inay aad isu xakameeyaan oo ay ka fogaadaan ficil kasta oo hal dhinac ah, kaas oo sababi kara in xiisadaha siyaasadeed ay kasii daraan, waana muhiim in dhammaan dhinacyadu ay ilaaliyaan amniga iyo xasilloonida Soomaaliya” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedkan.

    Bayaankan ayaa ugu baaqay madaxda Soomaalida inay si degdeg ah ugu laabtaan wadahadallada doorashada, isla markaana ay galaan dood wax ku ool ah, ayna raadiyaan xal wax tar leh oo horseedi kara heshiis guud oo laga gaaro arrimaha harsan.

    “Haddii ayna taasi dhicin, waxay horseedi doontaa in bulshada caalamku wax ka bedesho qaabka ay u wajaheyso Soomaaliya” ayaa lagu soo gaba-gabeeyay warmurtiyeedka ka soo baxay shirkii Wasiiradda Arrimaha Dibada ee dalalka ku bahoobay G7, kaas oo Chinach kale soo dhaweysay Egayga Gaarka ah ee Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Africa, iyagoo sheegay inay taagerayaan dadaallada xal u helista arrimaha Soomaaliya.

    Ururka G7 ee awoodda warshadaha iyo dhaqaalaha ayaa ka kooban dalalka Canada, France, Germany, Italy, Japan, Ingiriiska iyo Mareykanka.

    VOA

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Isbarbardhiga doorashada Xasan iyo doorashooyinka SL&PL

    December 26, 2025

    Puntland oo uheshay mashruuc Wadada Galkacyo-Goldogob

    December 26, 2025

    Shiine”Maraykanku,wuxuu isku dirayaa anaga iyo Hindiya”.

    December 26, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Isbarbardhiga doorashada Xasan iyo doorashooyinka SL&PL

    Puntland oo uheshay mashruuc Wadada Galkacyo-Goldogob

    Shiine”Maraykanku,wuxuu isku dirayaa anaga iyo Hindiya”.

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Xaafiiska Siyaasada QM Ee Somaliya oo Albaabada layskugu dhufanayo

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.