Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Muhaajiriin badan oo ku la’day badda Mediterranean-ka
    Somalia

    Muhaajiriin badan oo ku la’day badda Mediterranean-ka

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 6, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link


    Sida ay sheegeen hey’adaha Qaramada Midoobay, ilaa iyo 500 oo qof ayaa sannadkaan oo kaliya ku dhintay isbiimeynta khatarta ah ee badda Mediterranean-ka, xilli ay isku dayayeen in ay gaaraan Yurub. Tani waxay ka badantahay khasaarihi sannadki hore oo ahaa 150 qof oo ku garaqmay biyaha madda miditareeniyaanka.

    Dad lagu qiyaasay 130 qof ayaa ku dhintay kaddib marki dooni ay la socdeen ay ku hallowday meel aanan ka fogeyn xeebaha Libya.

    Hey’adda Caalamiga ah ee Muhaajiriinta ayaa dhimashada dadkaasi ku eedeysay, badbaado la’aan, kaddib markii ay ciidamada badda ee aaggaasi ka ag-dhawaa iska indha-tireen qeylo dhaanta dadkaasi oo codsaday in loo soo gurmado.

    Haweeneey u hadashay hey’adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay, oo lagu magacaabo Carlotta Sami ayaa sheegtay, in nasiib wanaag, dhawaan lasoo badbaadiyay ilaa 1,500 oo muhaajiriin ah. Waxay kaloo sheegtay in tahriibayaal kale oo cadadkoodu ka badanyahay 1,000 ay gaareen dekadda Trapani ee jasiiradda Sicily, 1-di bishaan May kaddib marki ay soo badbaadiyeen ciidanka badda ee Talyaaniga.

    Waxay sheegtay in ay indhaheeda ku aragtay muhaajiriin gaaraya 450 oo uu xeebaha Talyaaniga kasoo badbaadiyay markab ay leedahay hey’ad NGO ah, howlgalkaas oo dhacay Talaadadi. Inta badan dadkaasi ayaa kasoo sharaacday xeebaha dalka Libya, iyaga oo watay doonyo aanan lagu safri karin, sida ay sheegtay Carlotta.

    “Waxaan ogaannay in carruur badani ay ku jireen, kuwaas oo badankood aanan lala socon. Inta badan muhaajiriintan ayaa asal ahaan kasoo jeeda Mali, Galbeedka Africa gaar ahaan aagga gobolka Sahil, Eritrea iyo Waqootiga Africa. Dadka kusoo safraya badda waa kuwa ka imanaya dalalka ay ku badanyihiin dadka dalbada qaxootiga,” ayey tiri.

    VOA

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Isbarbardhiga doorashada Xasan iyo doorashooyinka SL&PL

    December 26, 2025

    Puntland oo uheshay mashruuc Wadada Galkacyo-Goldogob

    December 26, 2025

    Shiine”Maraykanku,wuxuu isku dirayaa anaga iyo Hindiya”.

    December 26, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Isbarbardhiga doorashada Xasan iyo doorashooyinka SL&PL

    Puntland oo uheshay mashruuc Wadada Galkacyo-Goldogob

    Shiine”Maraykanku,wuxuu isku dirayaa anaga iyo Hindiya”.

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Xaafiiska Siyaasada QM Ee Somaliya oo Albaabada layskugu dhufanayo

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.