Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Sadiq Khan oo mar kale loo doortay Duqa London
    Somalia

    Sadiq Khan oo mar kale loo doortay Duqa London

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 9, 2021No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Duqa magaalada London Sadiq Khan oo ahaa musharraxa xisbiga mucaaradka ah ee Labour Party ayaa mar kale la doortay, kaddib tartan adag ee uu la galay Shaun Bailey oo ka socday xisbiga talada haya ee Conservativeka.

    Khan oo noqday Muslimkii ugu horreeyay ee madax ka noqda magaalo madax weyn oo dal reer Galbeed ah ayaa ku guueystay 55.2% tirada codadka guud ee doorashada, halka 44.8% uu helay Bailey.

    “Waxaan si qoto dheer u ixtiraamayaa kalsoonida ay reer London igu siiyeen inaan sii wado hoggaaminta magaalada ugu weyn dunida” ayuu yiri Sadiq Khan oo sheegay inuu diiradda saari doono ololaha shaqo abuurista magaalada ay ku nool yihiin in ka badan sagaal milyan oo qof.

    Khan ayaa ka mid ahaa siyaasiyiinta xisbiga mucaaradka ah ee sida weyn u dhaleeceyay ka bixitaankii Ingiriika ee Midowga Yurub ee Brexit iyo Ra’isul Wasaareyaashii xisbiga talada hadaya ee Boris Johnson, Teresa May iyo David Cameron, iyadoo sidoo kale ay Khan foodda is dareen madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump.

    Sadiq Khan iyo Trump waxaa dhexmaray dagaal adag oo dhanka hadalka ah, kaddib markii Khan uu dhaliilay xayiraaddii muranka badan dhaliysay ee Trump uu saaray dalal ka soo jeeda dunida Muslimka.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Isbarbardhiga doorashada Xasan iyo doorashooyinka SL&PL

    December 26, 2025

    Puntland oo uheshay mashruuc Wadada Galkacyo-Goldogob

    December 26, 2025

    Shiine”Maraykanku,wuxuu isku dirayaa anaga iyo Hindiya”.

    December 26, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Isbarbardhiga doorashada Xasan iyo doorashooyinka SL&PL

    Puntland oo uheshay mashruuc Wadada Galkacyo-Goldogob

    Shiine”Maraykanku,wuxuu isku dirayaa anaga iyo Hindiya”.

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Xaafiiska Siyaasada QM Ee Somaliya oo Albaabada layskugu dhufanayo

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.