Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Akhriso: Farmaajo oo waji gabax kala kulmay Rooble, kuna fashilmay qorshe uu waday
    Somalia

    Akhriso: Farmaajo oo waji gabax kala kulmay Rooble, kuna fashilmay qorshe uu waday

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 17, 2021Updated:May 17, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    La taliyayaashiisu waxay kula taliyeen in uu xoogaa daahiyo wakhtiga si uu usii joogo.

    Shirka 20-ka bisha loo balansan yahay waxay ubadan tahay in uu dib dhaco oo gaaro ilaa 5-ta bisha danbe.

    Tagidiisii Sacuudiga waxay ilo muhiim ah sheegayaan in Cimraysigiisii kadib diyaarad khaas ah lagu qaaday,iyadoo laga reebay Wasiiradii,Safiirkii iyo Xaaskiisiba.

    Kulan in uu la qaatay madax sare oo Sacuudiyaan ah ayay xaqiijinayaan ilahaas.

    Sacuudigu waxay faraha usoo galiyeen xoogaa Soorya ah,waxayna ubalan qaadeen in ay geedi socodka doorashada ay iyagu maalgalinayaan kuna taageerayaan in uu ku guulaysto shaqadaas,waxayse shuruud uga dhigeen in uu aqbalo kala shaqaynta soo saarida siyaasi ay wataan,taasoo uu aqbalay Rooble ,sida Diblomaasi sare ii xaqiijiyay.

    Sacuudigu doorashadan waxay rabaan in ay saamayn fiican ku yeeshaan oo ku bixiyaan dhaqaale fara badan.

    Rooble iyo Jabuti”

    Ismaaciil Cumar waxuu sidoo kale ubalan qaaday wada shaqayn,waxuuse ka codsaday in uu dhankiisa wax la fududeeyo oo si gaar ah Xildhibaanada 9-ka ah ee Beesha Ciise iyo guud ahaan kuwa Direed Soo xulistooda uu ku tixgeliyo.

    Farmaajo iyo Rooble”

    Safarkii Uganda kadib Farmaajo waxuu usheegay in Midowga Afrika uu kasoo dhaadhiciyay aragtidii diidmada Ergayga cusub laguna xiray ogolaanshihiisa waa Rooble,sidaa daraadeed uu qoro Warqad uu ku diidayo ergaygaas.

    Rooble waa ka hor yimid arinkaas,waxuuna hor dhigay Farmaajo shuruud ahayd hadaad rabto in aan Warqadaas qoro adna qor Warqad aad isku casilayso kuna cadaynayso awoodaha aad igu wareejisay.

    Kulankaas Rooble iyo Farmaajo waa ku kala kaceen.

    Dhanka kale Farmaajo oo damcay in uu iska horkeeno Rooble iyo Musharaxiinta,ayaa ka dalbaday Rooble in uu shaqada Ciidanka ka saaro kana jaro dhaqaalaha Saraakiishii ka hor timid mudo kororsiga,taasoo Rooble si adag udiiday una sheegay in uu saxiixay Warqad ay ku qornaayeen qodobadaas.

    Isku soo wada duuboo Rooble waxuu isku dayayaa in uu dhinacyo badan isku wato wakhtigana si dadban udheeraysto,maadaama uu yahay hogaamiyaha dhinacyada Somalidu isku waafaqsan tahay Jiritaankiisa.

    Balse ugu badnaan 2-bilood kadib dalku doorasho,ayuu galayaa.

    Jibril Qoobey.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Isbarbardhiga doorashada Xasan iyo doorashooyinka SL&PL

    December 26, 2025

    Puntland oo uheshay mashruuc Wadada Galkacyo-Goldogob

    December 26, 2025

    Shiine”Maraykanku,wuxuu isku dirayaa anaga iyo Hindiya”.

    December 26, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Isbarbardhiga doorashada Xasan iyo doorashooyinka SL&PL

    Puntland oo uheshay mashruuc Wadada Galkacyo-Goldogob

    Shiine”Maraykanku,wuxuu isku dirayaa anaga iyo Hindiya”.

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Xaafiiska Siyaasada QM Ee Somaliya oo Albaabada layskugu dhufanayo

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.