Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Uganda oo ciidankeeda ka tirsan AMISOM ka tallaaleysa COVID-19
    Somalia

    Uganda oo ciidankeeda ka tirsan AMISOM ka tallaaleysa COVID-19

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 18, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladda Uganda ayaa billowday inay ciidankeeda ka tirsan howlgalka AMISOM ee jooga Soomaaliya, kuwaas oo isugu jira milatari iyo boolis siiso tallaalka ka hortagga xanuunka COVID19.

    Munaasad kooban oo lagu daahfurayay tallaakan ayaa waxaa ka soo qeybgalay taliyaha guud ee AMISOM Sarreye Guuto Don Nabasa, wuxuuna askarta ku boorriyay inay dhammaantood is tallaalaan.

    “Tallaalku wuxuu bad-baadin doonaa naftaada, wuxuuna kaa ilaalin doonaa inaad si daran u xanuunsato haddii uu ku haleelo caabuqan dilaaga ah ee COVID19. Wuxuu sidoo kale tallaalkan hoos u dhigayaa halista aad ugu jirto inaad qaaddo iyo in aad dad kale qaadsiiso, sidaa daraadeed waa muhiim in aan dhammaanteen qaadanno” ayuu yiri taliyaha guud ee AMISOM Don Nabasa.

    Madaxa howlgallada milatari ee AMISON Col. Allan Kalanzi ayaa soo dhaweeyay tallaabooyinka ay qaadday dowladda Uganda, taasoo uu ku sheegay inay dhameystiri doonto dadaallada ay AMISOM ku xakameyneyso faafitaanka cudurkan.

    Taliye xigeenka ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM Col. John Winston Mugarura ayaa qiray in cudurka Coronavirus uu saameyn ku yeeshay howgallada milateri, ayna aheyd in mar hore si deg-deg ah wax looga qabto.

    Madaxa ugu sarreeya Isbitaallada AMISOM ee Muqdisho Kabtan Dr. Gideon Nuwagira ayaa isna mar kale ku celiyay in tallaalku uu xoojinaayo dadaallada lagu xakameynayo cudurka COVID19.

    Qaar badan oo ka mid ah askartii u soo xaadirtay qaadashada tallaalkan ayaa uga mahadceliyay hoggaanka ciidanka difaaca Uganda ee UPDF keenista tallaalkan.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Isbarbardhiga doorashada Xasan iyo doorashooyinka SL&PL

    December 26, 2025

    Puntland oo uheshay mashruuc Wadada Galkacyo-Goldogob

    December 26, 2025

    Shiine”Maraykanku,wuxuu isku dirayaa anaga iyo Hindiya”.

    December 26, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Isbarbardhiga doorashada Xasan iyo doorashooyinka SL&PL

    Puntland oo uheshay mashruuc Wadada Galkacyo-Goldogob

    Shiine”Maraykanku,wuxuu isku dirayaa anaga iyo Hindiya”.

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Xaafiiska Siyaasada QM Ee Somaliya oo Albaabada layskugu dhufanayo

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.