Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Xukunkii Netanyahu ee Israel oo qarka u saaran dhammaad
    Somalia

    Xukunkii Netanyahu ee Israel oo qarka u saaran dhammaad

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 31, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Hoggaamiyaha mayalka adag ee Israel, Naftali Bennett ayaa Axaddii sheegay inuu ku biiri doono dowlad wadaag suurta-gal ah oo soo afjari karta xukunka ra’iisul wasaarihii ugu muddada dheeraa Israel Benjamin Netanyahu.

    Sharci-dejiyayaasha kasoo horjeeda hoggaamiyaha garabka midig ee Netanyahu ayaa waxaa u socda wada-hadallo xooggan kahor waqtiga kama dambeysta ah ee Arbacada, oo ay tahay in dowlad cusub lasoo dhiso.

    Netanyahu oo ah 71 jir, islamarkaana wajahaya maxkamadeyn la xiriirta qiyaameyn, laaluush, iyo burinta kalsoonida dadweynaha, kuwaaas oo uu beeniyey, ayaa xukunka si haystay muddo ay Israel ku jirtay qalalaase siyaasadeed oo dhaliyey in afar doorasho ay dhacaan laba sano gudahood.

    Doorashadii dhacday March ayaa xisbiga Netanyahu ee Likud wuxuu ku helay kuraasta ugu badan, hase yeeshee ma gaarin tiradii loo baahnaa ee uu dowlad kusoo dhisi karo.

    Hoggaamiyaha mucaaradka, iyo weriyihii hore ee Taleefishin ee Yair Lapid ayaa hadda haysta illaa habeenka Arbacada, si uu dowlad usoo dhiso.

    Lapid oo 57 jir ah ayaa raadinaya isbaheysi ka kooban dhinacyo badan oo uu bixiyey “isbaheysiga isbeddelka,” kaasi oo ay ku jiri doonaan Bennet iyo sharci-dejiyayaasha Carabta Israel.

    Si uu ugu guuleysto qorshihiisa ah inuu xukunka ka tuuro Netanyahu, ayaa Lapid wuxuu yaboohay in awoodda la wadaago, ayada oo Bennet oo 49 jir ah uu labada sano ee hore uu noqon doono ra’iisul wasaare, isagana uu ku xigi doono labada sano ee xigta.

    Kadib kulan uu la qaatay xubnaha xisbi diimeedkiisa waddaniyiinta ah ee Yamina Party, ayaa Bennet wuxuu yiri “waxaan sameyn doonaa wx kasta oo aan dowlad wadaag ah kula soo dhisayo saaxiibkey Yair Lapid.”

    Xisbiyada ay kala hoggaamiyaan Lapid iyo Bennet ayaa habeenkii Axaddii billaabay wada-hadallo rasmi ah oo ay kusoo dhameystirayaan heshiiska, sida ay ku sheegeen bayaan.

    Netanyahu oo Israel xukumayey 12 sano oo xiriir ah, ayaa qorshahan ugu yeeray mid “halis ku ah ammaanka Israel.”

    Lapid ayaa u baahan 61 xildhibaan, oo ka mid ah 120-ka xildhibaan ee baarlamanka Knesset, si dowlad usoo dhiso.

    AFP

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maraykanka iyo Ingiriiska oo kaga hor yimid dhismaha New JL

    August 27, 2025

    Wefti sare oo Qaramada Midoobey ka socda oo gaaray Bosaso

    August 26, 2025

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    August 26, 2025
    Latest Posts

    Maraykanka iyo Ingiriiska oo kaga hor yimid dhismaha New JL

    Wefti sare oo Qaramada Midoobey ka socda oo gaaray Bosaso

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Calmiskaad

    Message from the Puntland Defence Forces Headquarters

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.