Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Wafti uu hoggaaminayo Wasiir kuxigeenka caafimaadka DFS oo soo gaaray Garoowe (Sawirro)
    Somalia

    Wafti uu hoggaaminayo Wasiir kuxigeenka caafimaadka DFS oo soo gaaray Garoowe (Sawirro)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 31, 2021No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasiirka caafimaadka Puntland oo wafti uu hogaaminayay wasiirkuxigeenka caafimaadka D.F ku soo dhaweeyay magaalada Garowe.

    Wasiirka wasaaradda caafimaadka Puntland Dr Jamac Farax Xasan ayaa manta ku soo dhaweeyay xarunta dhexe ee wasaaradda magaalada Garowe wafti uu hogaaminayay wasiirkuxigeenka wasaaradda caafimaadka D.F Soomaliya oo uu wehelinayay wasiirka caafimaadka Galmudug.

    Wasiirka ayaa ku soo dhaweeyay xarunta dhexe ee wasaaradda waftigan waxaana kulan wada qaateen qaar kamid shaqaalaha wasaaradda waxaana loo soo jeediyay warbixin kooban oo ku saabsan sida wasaaraddu ushaqayso iyo waaxyaha ay ka koobantahay.

    Waxay kormeereen xarunta qaboojinta dawooyinka wasaaradda, keydka dawada iyo qaar kamid ah xafiisyada agaasimayaasha iyo qaybaha wasaaradda iyagoo kula kulmay shaqaalaha ka shaqeeya, waxay sidoo kale kormeer ku tageen xarunta caafimaadka gobolka oo ka mid ah meelaha lagu bixinayo talaalka, shaybaarka lagu baaro Covid19 iyo cisbitaalka magaalada oo ay kula kulmeen maamulada iyo shaqaalaha ka shaqaynayay.

    Kadib kormeerkooda ayaa waxaa warbaahinta la hadlay wasiirka caafimaadka Puntland wasiirka caafimaadka Galmudug iyo wasiir kuxigeenka wasaaradda caafimaadka Dawlada Federaalka Soomaliya.

    Wasiir Jamac Farax Xasan oo ugu horay hadalka bilaabay ayaa yiri:-
    Waxaa maanta 31 bisha May booqasho noogu yimid wafti balaaran oo uu hogaaminayo wasiir kuxigeenka dalwada federaalka Soomaliya Dr Axmed Xuseen Maclin Guray oo uu ka mid yahay wasiirka caafimaadka Galmudug Dr Abdiwali caafimaadka Soomaliya oo uu weheliyo wasiirka caafimaadka Galmudug Dr Abdiwali Abdulaahi jaamc iyo agaasimaha guud ee wasaaradda Galmudug.”

    “Waan ku faraxsanahay booqashadan oo ujeedkeedu uu yahay sidii la isku dhaafsan xogaha caafimaad ee la is dheeryahay heerka caafimaad ee Puntland marayso iyo qaybaha ay wasaaraddu ka koobantahay, waana dhiirigalinaysa booqashooyinka noocaan oo kale ah oo la isku tago si la la isku weydaarsado xogta caafimaad si kor loogu qaado caafimaadka dalka.”

    “Waxaan rajaynayaa inaysan noqon midii ugu danbeysay ee ay noqoto midii ugu horaysay lana joogteeyo, waxaan maanta kormeernay xarumaha muhiimka ah ee wasaaradda sida xarunta dhexe, qaybaha ay ka koobantayay xarunta lagu bixinayo talaalka Covid19, shaybaarka Covid19 iyo Cisbitaalka guud ee magalaada Garowe oo aan kusoo gabagabaynay sidoo kale aan idinkala hadlayno.”

    Wasiirka caafimaadka Galmudug Dr Abdiwali Abdulaahi Jamac oo isna hadal kooban jeediyay ayaa yiri:-

    “Waxaa maanta sharaf noo ah wasaaradda caafimaadka Galmudug inaan ku nimaano safar iskugu jira booqasho iyo shaqo Puntland aniga oo ay i weheliyaan agaasimaha guud ee wasaaaradda iyo qaar kamid ah shaqaadaha wasaaradda, waxaan uga mahadcelinayaa wasiirka caafimaadka Puntland Dr Jamac Soo dhawayntiisa iyo sida uu noola wadaagay sida wasaaraddu ushaqayso iyo qaar kamid ah xarumaha caafimaadka.”

    Waxaan rajaynayaa booqashadan inay noqon doonto mid lagu sii hormarinayo wada shaqaynta wanaagsanaye ee awal ka dhaxaysay labada maamul ee dariska ah iyo si gaar ah labada wasaaraddood, waxaa Puntland inta aan arkay iga muuqata inay jiraan wax badan oo ay kaga horayso maamulada kale aan wax badan kala faa’iidaysan doono.”

    Wasiirkuxigeenka caafimaadka Dawlada Federaalka Somaliya Dr Ahmed Xuseen Macalin Guray oo ugu danbeyn hadlay ayaa sheegay:-

    “Waxaan uga mahadcelinayaa wasiirka caafimaadka Puntland Dr Jamac Farax Iyo kuxigeenkiisa oo Galkacyo shalay igu soo dhaweeyay nagulana safray Garowe, booqashadayda ayaa qayb ka ah kuwa aan ku maray qaybo kamid ah maamulada dalka aniga oo horay utagay Konfur galbeed iyo Galmudug hadana ku jooga Puntland waxayna la xiriirtaa sidii aan u ogaan laha xaalada caafimaadka dalka shaqada socota iyo baahiyaha jira.”

    “Waxaan ku amaanayaa wasaaradda caafimaadka Puntland shaqada ay qabatay taas oo ay ka muuqato inay kaga horayso maamulada kale ee dalka waxaan Wasiirka caafimaadka Galmudug oo safarka igu weheliya kula dardaarmay inay khibrad kala qataan sidoo kalena wax ay ku dhamaan la wadaagaan, waxaan rajaynayaa in shaqada socota horay loo sii wado ka dawlada federaal ahaana baahiyaha jira ay wax ka qaban doonaan.”

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Isbarbardhiga doorashada Xasan iyo doorashooyinka SL&PL

    December 26, 2025

    Puntland oo uheshay mashruuc Wadada Galkacyo-Goldogob

    December 26, 2025

    Shiine”Maraykanku,wuxuu isku dirayaa anaga iyo Hindiya”.

    December 26, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Isbarbardhiga doorashada Xasan iyo doorashooyinka SL&PL

    Puntland oo uheshay mashruuc Wadada Galkacyo-Goldogob

    Shiine”Maraykanku,wuxuu isku dirayaa anaga iyo Hindiya”.

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Xaafiiska Siyaasada QM Ee Somaliya oo Albaabada layskugu dhufanayo

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.