Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»AMISOM oo war kasoo saartay duqeymo Ciidanka Kenya ka geysteen Gedo (Akhriso)
    Somalia

    AMISOM oo war kasoo saartay duqeymo Ciidanka Kenya ka geysteen Gedo (Akhriso)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 6, 2021No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Bayaan ka soo baxay howlaglka Midowga Afrika ee AIMSOM ayaa lagu shaaciyey in AMISOM ay baareyso xaqiiqda eedeymaha ay dowlada Soomaaliya u soo jeedisay dowlada Kenya ee ah in ciidamadeeda ay duqeysay deegaano ka mid ah gobolka Gedo.

    Wasaarada Arrimaha Dibbada ee dowlada Soomaaliya ayaa qoraal ka soo baxay waxaa lagu sheegay in ciidamada Kenya ay duqeyn ka geysteen gobolka Gedo oo dad rayid ah ay ku dhinteen.

    “Howlgalka ayaa hadda ku howlan aruurinta macluumaadka ku saabsan shilka la soo sheegey, waxaana si dhow ula shaqeyn doonaa Dowladda Federaalka Soomaaliya, Wasaarada Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga iyo dhammaan daneeyayaasha kale oo ay khuseyso inta aan baareyno arintaan,” ayaa lagu yiri bayaanka AMISOM.

    Sidoo kale qoraalkan waxaa lagu sheegay in AMISOM ay waajib ku tahay inay si habsami leh ugu fuliso howlaheeda loo igmaday ee Soomaaliya, si waafaqsan asluubta, iyadoo la raacayo dhammaan sharciyada caalamiga ah ee khuseeya howlgalka. “Sidaas darteed waxaa ka go’an inay baaraan dhammaan eedeymaha ku saabsan xad-gudubyada xuquuqda ka dhanka ah ee loo geysto rayidka.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Isbarbardhiga doorashada Xasan iyo doorashooyinka SL&PL

    December 26, 2025

    Puntland oo uheshay mashruuc Wadada Galkacyo-Goldogob

    December 26, 2025

    Shiine”Maraykanku,wuxuu isku dirayaa anaga iyo Hindiya”.

    December 26, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Isbarbardhiga doorashada Xasan iyo doorashooyinka SL&PL

    Puntland oo uheshay mashruuc Wadada Galkacyo-Goldogob

    Shiine”Maraykanku,wuxuu isku dirayaa anaga iyo Hindiya”.

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Xaafiiska Siyaasada QM Ee Somaliya oo Albaabada layskugu dhufanayo

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.