Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Xildhibaano kamid ah Baarlamaanka Puntland oo booqday xabsiga Qardho (Sawirro)
    Somalia

    Xildhibaano kamid ah Baarlamaanka Puntland oo booqday xabsiga Qardho (Sawirro)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 6, 2021No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Guddiga Shuruucda & Caddaaladda Golaha Wakiillada DPL oo gaaray magaalada Qardho ayaa kormeer shaqo ku tagay Xabsiga weyn ee magaalada, Maxkamada Darajada 1aad ee Gobolka Karkaar iyo Xarunta Gobolka.

    Ugu horeyn Xildhibaannada ayaa booqday Xabsiga weyn ee Qardho, halkaas oo ay kusoo dhoweeeyen Taliyaha iyo Saraakiisha kale ee xabsiga.Guddiga ayaa warbixin dheer oo dhinacyo badan taabanaysa ka dhagaystay Sarkiisha Xabsiga, iyagoo sidoo kale Guddiga la wadaagay baahiyaha Xabsiga iyo caqabadaha jira.

    Sidoo kale Xildhibaannada ayaa la kulmay maxaabiista ku xidhan Xabsiga, iyagoo mid mid uga dhagaystay cabashadooda; waxayna sidoo kale kormeereen dhismayaasha iyo xafiisyada kala duwan.

    Dhanka kale Guddiga Shuruucda & Caddaaladda Golaha Wakiillada DPL ayaa kormeer shaqo ku tagay Maxkamadda Darajada 1-aad ee Gobolka Karkaar, halkaas oo warbixin kaga dhagaysteen Guddoomiyaha iyo Xeeri-ilaaliyaha Maxkamadda.

    Ugu dambayn Guddiga Shuruucda & Caddaaladda Golaha Wakiillada DPL ayaa booqasho ugu tagay Guddoomiyaha Gobolka Karkaar iyo kuxigeenkiisa, iyagoo ka xog wareystay xaaladda guud ee Gobolka.

    Kormeerka Guddiga ayaa qeyb ka ah shaqooyinka Guddiyada Golaha Wakiillada DPL ee la socoshada Hay’adaha fulinta dalka.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Isbarbardhiga doorashada Xasan iyo doorashooyinka SL&PL

    December 26, 2025

    Puntland oo uheshay mashruuc Wadada Galkacyo-Goldogob

    December 26, 2025

    Shiine”Maraykanku,wuxuu isku dirayaa anaga iyo Hindiya”.

    December 26, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Isbarbardhiga doorashada Xasan iyo doorashooyinka SL&PL

    Puntland oo uheshay mashruuc Wadada Galkacyo-Goldogob

    Shiine”Maraykanku,wuxuu isku dirayaa anaga iyo Hindiya”.

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Xaafiiska Siyaasada QM Ee Somaliya oo Albaabada layskugu dhufanayo

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.