Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Boqollaal qof oo loo xirxiray dambiyo abaabulan oo heer caalami ah.
    Somalia

    Boqollaal qof oo loo xirxiray dambiyo abaabulan oo heer caalami ah.

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 8, 2021No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Hay’adaha sharci fulinta ayaa sheegay howlgallo ay seddexdi sano ee ugu dambeeyey fuliyeen una adeegsadeen App uu FBI sameeyey iney soo xirxireen boqollaal dambiilayaal oo heer caalami ah .

    Laga soo billaabo 2018-kii dadka sameeya dambiyada abaabulan ee ka dhaca Australia, New Zealand raadceyntooda waxaa loo adeegsaday Ap-ka FBI-da ay sameysay.

    Taasoo horseedday in 18 dal oo ku yaalla qaaradda Aasiya, Waqooyiga iyo Koonfurta Mareykanka, Yurub iyo Bariga Dhexe laga soo qabqabto dad ka ganacsada daroogada.

    Ra’isal wsaaraha Australia Scott Morrison howlgalkan wuxuu ku tilmaamay ‘mid muhiim ah’ oo dhabar jab ku noqday burcadda caalamiga ah.

    “Waxay dharbaaxo culus oo ka dhan ah ku noqotay dambiyada abaabulan – kaliya ma ahan waddankan, laakiin mid ka jawaabi doona dambiyada abaabulan ee adduunka ka dhaca” ayuu yiri mar uu shir jaraa’id qabtay Talaadadi.

    Booliska Australia iyo New Zealand ayaa ka mid ahaa waddamadi ugu horreeyay ee arrinta ‘Talaadadi’ ka qaaday.

    Booliska Australia wuxuu shegay howlgalkan inuu fulay qorshe ay wada dajisteen FBI. Hay’adaha Mareykanka iyo Europol waxaa la filayaa iney maanta oo Talaada ah natiijooyinki howlgalladooda ay shaaciyaan.

    App-ka ANOM waa barnaamij inta badan ay farriimaha isku dhaafsadaan kooxaha dambiyada abaabulan fuliyey, ayey yirahdeen hay’adaha.

    App-ka siduu u shaqeeyaa?

    Booliska New Zealand wuxuu sheegay kaddib marki ay FBI ay hawada ka saartay laba adeeg oo ay burcadda abaabuan ee caalamiga ah isticmaalayeen, ayey billaabeen iney howl geliyaan barnaamijka cusub ee ANOM.

    Warbaahinta Australia waxay sheegeen app-kan in lagu baahiyey waddamada looga shakinaya iney dambiilayaashiisa ku sugan yihiin.

    App-ka FBI ay hirgelisay booliska caalamka e howlgakan qaybta ka ah wuxuu u suurageliyey iney akhriyaan malaayiin farriima ah oo ay kooxahaasi isdhaafsadaan ‘isla marki ay soo dhacaan’.

    “Kulligood waxay ka hadlayaan ama farriimaha ay isdhaafsanayeen ay kaga hadlayeen maandooriya, rabshado, iney iyagu isdhibaateeyaan, dad rayad ah oo la dilayo iy arrima nocaas ah, ayuu yiri taliyaha booliska Australia Reece Kershaw oo shir jaraa’id ka hadlayey.

    Hay’adaha maxay soo bandhigeen?

    Taliye Karshe wuxuu sheegay booliska Australia inuu ku guuleystay howlgallo uu uga hortagayo maandooriyaha iyo dhacdooyinka kale oo ay ka mid yihiin dil wadareed shacabka loo geysan lahaa.

    Booliska dalkaasi waxay soo qabqabteen in ka badan 200 oo qof oo ka mid ah kooxaha burcadda ee mootooyinka sida sharci darrada ah u adeegsada, kooxa ka tirsan Maafiyada Australia, Unugyada ka tirsan dambiilayaal ka soo jeeda Asia and kooxo caadeystay fal dambiyeedyada halista ah ee abaabulan.

    Waxay sida oo kale sheegeen iney qabteen seddex tan oo maandooriya ah iyo lacag caddaan ah oo ka badan 435 malyan oo doolar.

    Howlgalka ay burcadda ku soo qabqabanayeen booliska Australia o ayugu magac dareen Ironside, oo ah kii ugu weynaa oo dalkaasi ka dhaca waxaa ka qayb qaatay 4,000 oo boolis ah, halka howlgalka heer caalamina ay ka qayb qaateen 9,000 oo askari..

    “Isgaarsiinta ay ku xiriirayeen kooxahaasi oo ay dowladaha dhageysteen ayaa gacan weyn ka geysatay in kooxahan dambiyada abaabulan sameyo la soo qabqabto,” ayuu yiri taliya Kershaw.

    Booliska New Zealand waxay sheegeen howlgalka ay ugu magac dareen ‘Torjan’ oo ay dhankooda fuliyeen ay ku soo qabqabteen 35 qof, ayna ku soo qabteen lacag caddaan ah oo qayaasti gaareyso 2.7 malyan oo doolar.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Isbarbardhiga doorashada Xasan iyo doorashooyinka SL&PL

    December 26, 2025

    Puntland oo uheshay mashruuc Wadada Galkacyo-Goldogob

    December 26, 2025

    Shiine”Maraykanku,wuxuu isku dirayaa anaga iyo Hindiya”.

    December 26, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Isbarbardhiga doorashada Xasan iyo doorashooyinka SL&PL

    Puntland oo uheshay mashruuc Wadada Galkacyo-Goldogob

    Shiine”Maraykanku,wuxuu isku dirayaa anaga iyo Hindiya”.

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Xaafiiska Siyaasada QM Ee Somaliya oo Albaabada layskugu dhufanayo

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.