Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Akhriso: Midowga Yurub oo walaac ka muujiyay doorashooyinkii Somaliland
    Somalia

    Akhriso: Midowga Yurub oo walaac ka muujiyay doorashooyinkii Somaliland

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 8, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Waddamada reer Yurub, ayaa ugu hambalyeeyay shacabka, xukuumada, koomiishanka doorashooyinka iyo xisbiyada siyaasada, sidi guusha lahayd ee ay u qabteen doorashooyinkii wakiilada iyo deegaanka.

    Warbixin ay soo saareen waddamadani ayaa lagu yidhi “intii lagu guda jiray doorashooyinka, shacabka Somaliland waxay muujiyeen balan qaad adag oo ku wajahan nidaamka doorashada, ka qayb galka siyaasada iyo sii xoojinta dimuquradiyada”.

    “Waxanu si gaara usoo dhawaynaynaa guushii taariikhiga ahayd ee beelaha lahayb sooca ay ka gaadheen doorashadii wakiilada iyo dhalinyarada faraha badan leh ee kusoo baxday doorashada”.

    Warbixinta ayaa lagaga hadlay haweenkii musharixiinta ahaa, waxana lagu sheegay in haweenkii ay dadal sameeyeen oo ay guulo gaadheen lakin taa macnahedu aanu ahayn in dumar badani soo baxeen.

    “Waanu aqoonsanahay guulihi muhiimka aha ee ay gaadheen haweenka musharixiinta ahi, lakin waxanu aad uga xunahay in aan arrinta loo turjuman karin in dumar badan la doortay” ayaa lagu yidhi warbixinta.

    Waddamadan ayaa ku booriyay dhamaan cida ay khusayso in ay doorashadan cashar ka bartaan isla markaana ay doorashooyinka mustaqbalka u diyaar garooba sidi ay usoo saari lahayeen haween badan.

    “Waxa muhiim ah in dhamaan dhinacyada ay khusaysa ay arrintan wax ka bartaan, dhamaan dowlada, xisbiyada iyo cidii kaleba in ay qaadan talaboyin ay ku xoojinayan ka qayb galka dumarka ee siyaasada ka hor doorashooyinka soo socda” ayaa lagu yidhi warbixinta.

    Waddamada ku midoobay warbixintan ayaa sheegay in ay ka go’an tahay in ay lasii shaqeeyaan Somaliland.

    “Waxa naga go’an in aanu sii wadno wada shaqayn tayadii wax dhiska ahayd, si loo horumariyo nidaamka dimuquraadiyaynta iyo ka qayb galka beelaha lahayb sooco iyo dumarka ee siyaasada” ayaa lagu yidhi warbixinta.

    “Waxanu taageeraynaa doorashooyin wakhtigooda ku dhaca, waaxanu la shaqayn doona mudanayaasha cusub ee lasoo doortay iyo qadiyadaha kale ee danaha labada dhinac” ayay warbixintu ku dartay.

    Warbixintan waxa ku saxeexan, Midowga Yurub, Belgium, Denmark, Finland, France, Germany, Ireland, Italy, Netherlands, Norway, Sweden, Switzerland, iyo Boqortooyada Ingiriiska.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Isbarbardhiga doorashada Xasan iyo doorashooyinka SL&PL

    December 26, 2025

    Puntland oo uheshay mashruuc Wadada Galkacyo-Goldogob

    December 26, 2025

    Shiine”Maraykanku,wuxuu isku dirayaa anaga iyo Hindiya”.

    December 26, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Isbarbardhiga doorashada Xasan iyo doorashooyinka SL&PL

    Puntland oo uheshay mashruuc Wadada Galkacyo-Goldogob

    Shiine”Maraykanku,wuxuu isku dirayaa anaga iyo Hindiya”.

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Xaafiiska Siyaasada QM Ee Somaliya oo Albaabada layskugu dhufanayo

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.