Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Soomaaliya iyo Azerbaijan oo ka wada-hadlay iskaashiga labada dal (Sawirro)
    Somalia

    Soomaaliya iyo Azerbaijan oo ka wada-hadlay iskaashiga labada dal (Sawirro)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 12, 2021No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Safiirka dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Amb. Jamac Caydid Maxamed iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa safar shaqo ku tegay Magaalada Baku ee Caasimadda dalka Azerbaijan.

    Safiirka Soomaaliya ee Turkiga ayaa kulan la qaatay Wasiirka Arimaha dibadda ee dalka Azerbaijan Jeyhun Bayramo, iyagoona ka wada hadlay xiriirka u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo Azerbaijan oo ku saleysan iskaashi.

    Amb. Jamac Caydid Maxamed, ayaa Qoraal uu soo saaray waxaa uu ku sheegay in dhankiisa Wasiir Jeyhun Bayramo uga mahadceliyay soo dhaweynta uu u sameeyay isaga iyo wafdigiisa, isla markaana sheegay in muhiim ay tahay dib u soo celinta xiriirka labada dal.

    “Annaguna dhankayaga waxaanu uga mahad celinay sida fiican ee uu noo soo dhoweeyey. Waxaan u gudbinnay fariinta dawladda Soomaaliya ee ku aaddan xidhiidhka labada dal oo ah: Walaaltinimo, is qaddarin iyo iskaashi isu dheelitiran. Waxaan xusnay xidhiidhka soo jireenka ah ee walaaltinimo iyo dhaqan ee labada dal ka dhexeeya” ayuu yiri Safiirka Soomaaliya ee Turkiga.

    Ugu dambeyn Safiirka Soomaaliya ayaa waxaa uu qoraalkiisa ku sheegay in dib u soo celinta xiriirka ka dhexeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Azerbaijan uu fursad u yahay labada dal.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wefti sare oo QM ka socda oo gaaray Bosaso

    August 26, 2025

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    August 26, 2025

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    August 25, 2025
    Latest Posts

    Wefti sare oo QM ka socda oo gaaray Bosaso

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Calmiskaad

    Message from the Puntland Defence Forces Headquarters

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    Warbixin:-Kobaca dhaqaale Muwaadinka Somaliyed 5-tii Sano udanbaysay

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.