Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Naftali Bennett oo loo doortay Ra’iisul Wasaaraha Israel (VIDEO)
    Leader of the Israeli Yemina party, Naftali Bennett, delivers a political statement at the Knesset, the Israeli Parliament, in Jerusalem, on May 30, 2021. - Nationalist hardliner Naftali Bennett said today he would join a governing coalition that could end the rule of the country's longest-serving leader, Prime Minister Benjamin Netanyahu. (Photo by YONATAN SINDEL / POOL / AFP)
    Somalia

    Naftali Bennett oo loo doortay Ra’iisul Wasaaraha Israel (VIDEO)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 14, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Baarlamaanka Israel ayaa soo afjaray muddo 12 sano ah oo uu dalkaasi Ra’iisul Wasare ka ahaa Benjamin Netanyahu kadib markii ay u codeeyeen dowlad wadaag cusub.

    Naftali Bennett oo ka tirsan xisbiga Yamina, ayaa loo dhaariyay xilka Raiisul wasaaraha cusub. Naftali Bennett, oo madax ka ah xisbi yar oo ayaa loo dhaariyey xilka ra’iisal wasaaraha kadib markii cod carriiri ah ay ku heleen 60-59 baarlamaanka.

    Bennett ayaa soo dhisayo xukuumad isku dhaf ah oo ay ka wada tirsan yihiin mucaaradka ugu saameynta badan Isreal.

    Mr Netanyahu – hogaamiyaha ugu waqtiga dheer ee Israel oo xukumayay, wuxuu sii ahaan doonaa madaxa xisbiga garabka midig ee Likud wuxuuna noqon doonaa hogaamiyaha mucaaradka, kaddib heshiis dhexmaray xibsiyada mucaaradka ah oo meesha looga saaray Netanyahu.

    Codeynta ka dib, Mr Netanyahu wuxuu gacan qaaday Mr Bennett. Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa durbaba hambalyo u diray Mr. Bennett, isagoo sheegay inuu rajeynayo la shaqeyntiisa.

    Heshiiska Awood qeybsiga Isreal ayaa awood u siinaya Mr Naftali Bennett in uu xilka haayo laba sano waxaana xilka kala wareegi doono  Yair Lapid oo ah hogaamiyaha xisbiga dhexe ee Yahuudda.

    Naftali Bennett ayaa ah 49 sano jir dhashay 25 march 1972, waxa uuna horay u soo noqday wasiirka difaaca Isreal.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Isbarbardhiga doorashada Xasan iyo doorashooyinka SL&PL

    December 26, 2025

    Puntland oo uheshay mashruuc Wadada Galkacyo-Goldogob

    December 26, 2025

    Shiine”Maraykanku,wuxuu isku dirayaa anaga iyo Hindiya”.

    December 26, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Isbarbardhiga doorashada Xasan iyo doorashooyinka SL&PL

    Puntland oo uheshay mashruuc Wadada Galkacyo-Goldogob

    Shiine”Maraykanku,wuxuu isku dirayaa anaga iyo Hindiya”.

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Xaafiiska Siyaasada QM Ee Somaliya oo Albaabada layskugu dhufanayo

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.