Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»DFS oo sheegtay in howlgal lagu dilay Xubno ka tirsan Al-Shabaab
    Somalia

    DFS oo sheegtay in howlgal lagu dilay Xubno ka tirsan Al-Shabaab

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 16, 2021No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee  DANAB  gaar ahaan Ururka 7aad ee, ayaa howlgallo qorsheysan oo ka dhan ah Ururka  Al-Shabaab  waxaa ay ka sameeyeen degaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

    Ciidamada ayaa howlgalka waxaa ay sigaar ah uga fuliyeen Tuulooyinka Mareerey, Sabuun, Baaroow Madiina cade , Gaaleef iyo Buurdheer, waxaana saraakiisha hoggaamineysay ay sheegeen in howlgalka qasaaro lagu gaarsiiyay Al-Shabaab.

    Ku-simaha Taliyaha Guutada 16-aad Kumaandooska Danab Dhamme Xasan Maxamed Cismaan (Xasan Tuure) oo lahadlay Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida ayaa sheegay in howlgalka lagu dilay 9-katirsan Al-Shabaab tiro  kalana ku dhaawaceen.

    Sidoo kale waxaa uu sheegay in howlgalka lagu burburiyay Saldigyo ay Al-Shabaab kasoo abaabuli jireen weerarada ay ka fuliyaan degaannada Gobolka Shabeellaha Dhexe.

    Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee  DANAB  ayaa inta badan waxaa ay howlgallada ka fuliyaan degaano ka tirsan labada Shabeelle iyo Jubbada Hoose, hayeeshee ay marraka qaar weerar kala kulmaan Al-Shabaab.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Isbarbardhiga doorashada Xasan iyo doorashooyinka SL&PL

    December 26, 2025

    Puntland oo uheshay mashruuc Wadada Galkacyo-Goldogob

    December 26, 2025

    Shiine”Maraykanku,wuxuu isku dirayaa anaga iyo Hindiya”.

    December 26, 2025
    Latest Posts

    Israel announces official recognition of Somaliland as independent state

    Faallo:-Isbarbardhiga doorashada Xasan iyo doorashooyinka SL&PL

    Puntland oo uheshay mashruuc Wadada Galkacyo-Goldogob

    Shiine”Maraykanku,wuxuu isku dirayaa anaga iyo Hindiya”.

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.