Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliya oo geeryooday
    Somalia

    Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliya oo geeryooday

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJuly 3, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Allaha u naxariistee waxaa saakay magaalada Muqdishu ku geeriyooday Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Janeraal Cabduqaadir Cali Diiriye (Gen. Subxaanyo) oo magac iyo maamuusba ku dhex lahaa bulshada Soomaaliyeed.

    Marxuumka ayaa waxaa la sheegay in muddooyinkii ugu dambeeyay uu ku xanuun sanayay Magaalada Muqdisho, waxaana geeridiisa ka hadlay mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

    Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Janeraal Cabduqaadir Cali Diiriye (Gen. Subxaanyo).

    “Naxariistii Janno Allaha ka waraabiyo General Cabdulqadir Cali Diiriye (Subxaanyo) oo ahaa ruug caddaa ciidan iyo waayo arag dalka iyo dadka ugu soo shaqeeyay si daacadnimo iyo geesinimo leh. Waxaan geeridiisa uga tacsiyeynayaa qoyskiisa iyo Qaranka Soomaaliyeed ayuu yiri” Ra’iisul Wasaare Rooble.

    Dhinaca kale Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) oo ka hadlaya geerida taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa yiri.

    “Anigoo ku hadlaaya magaca Dowladda iyo shacabka Galmudug, waxaan ka tacsiyeynayaa geerida ku timid Gen. Cabdulqadir Cali Diiriye, waxaan si gaar ah ugu tacsiyeenayaa ehelka iyo qaraabadii uu ka baxay, waxaan Eebbe uga baryayaa inuu ka waraabiyo janadul Firdowsa.

    Saacadaha  soo socda ayaa waxaa la filayaa in la Aaso meydka Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Janeraal Cabduqaadir Cali Diiriye (Gen. Subxaanyo), iyada oo ay Aaska ka qeyb geli doonaan mas’uuliyiin kala duwan.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wefti sare oo QM ka socda oo gaaray Bosaso

    August 26, 2025

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    August 26, 2025

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    August 25, 2025
    Latest Posts

    Wefti sare oo QM ka socda oo gaaray Bosaso

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Calmiskaad

    Message from the Puntland Defence Forces Headquarters

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    Warbixin:-Kobaca dhaqaale Muwaadinka Somaliyed 5-tii Sano udanbaysay

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.