Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxaa u qabsoomay Wasaaradda Maaliyadda Puntland 6 bilood ee tagtay ? (Sawirro)
    Somalia

    Maxaa u qabsoomay Wasaaradda Maaliyadda Puntland 6 bilood ee tagtay ? (Sawirro)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJuly 11, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa maanta shir guddoomiyay kulan looga hadlayay waxqabadka Wasaaradda ee lixdii bilood ee ugu dambeysay sannadkan.

    Shirkan ayaa nuxurkiisu ahaa in la iska-wareysto waxqabaka lixdii bilood ee lasoo dhaafay, jihada Wasaaradda,shaqada la qabtay, xisaab xirkii loo gudbiyay Golaha Wakiiladda Puntland taasoo warbixin laga siiyay Wasiirka.

    Kuxigeenka Xisaabiyaha guud ee Puntland Cali Jaamac Gaashaan, ayaa sheegay in shirka looga hadlay wixii u qabsoomay Wasaaradda Maaliyadda Puntland lixidii bilood ee u dambeysay.

    “ Shirka nuxurkiisu wuxuu ahaa maadaama lixdii bilood dhammaatay bal in la iska wareysto, jihada wasaaradda, waxay qabatay, sida xaalkeedu yahay iyo xisaab-xirkii loo gudbiyay Golaha Wakiiladda Puntland oo Wasiirku ka maqnaa in laga siiyo warbixin iyo Waaxda miisaaniyadda oo diyaarineysa miisaaniyad ku celin in laga sameeyo ayaa laga hadlay iyo in uu la socdo Waxqabadka Wasaaradda meesha ay mareyso , lixdaas biloof wixii qabsoomay…” ayuu yiri.

    Waxa uu sheegay in sidoo kale shirka looga hadlay mushaar-kordhinta mushaharaadka shaqaalaha taasoo muhiimad gaar ah leh laguna wado in la hirgeliyo bisha Agoosto.

    “ Waxyaabihii laga hadlay waxa kamid ah mushaharaad kordhinta shaqaalaha oo muhiimad gaar ah leh oo hadda ka hor Madaxweynuhu aad uga hadlay oo la rabo in la hirgeliyo bisha Agoosto ee nagu soo aadan haddii Alle yiraahdo iyo arrimo badan..” ayuu yiri.

    Wasiirka Maaliyadda Puntland Mudane Xasan Shir Cabdi ayaa warbixino ka dhageystay Xisaabiyaha guud , Agaasimaha Miisaaniyadda,Agaasimaha Cashuuraha Berriga, Agaasimaha Macro-finance-ga iyo Agaasimaha Waaxda Qorsheynta.

    Mudane Xasan Shir Cabdi ayaa ku booriyay shaqaalaha xafiisyadaas iney shaqada siday tahay uga soo baxaan. Wuxuuna ku ammaanay shaqada ay bulshadda u hayaan.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Isbarbardhiga doorashada Xasan iyo doorashooyinka SL&PL

    December 26, 2025

    Puntland oo uheshay mashruuc Wadada Galkacyo-Goldogob

    December 26, 2025

    Shiine”Maraykanku,wuxuu isku dirayaa anaga iyo Hindiya”.

    December 26, 2025
    Latest Posts

    Israel announces official recognition of Somaliland as independent state

    Faallo:-Isbarbardhiga doorashada Xasan iyo doorashooyinka SL&PL

    Puntland oo uheshay mashruuc Wadada Galkacyo-Goldogob

    Shiine”Maraykanku,wuxuu isku dirayaa anaga iyo Hindiya”.

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.