Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»TPLF oo Sheegatay in ay sii Deysay Kun Askari
    Somalia

    TPLF oo Sheegatay in ay sii Deysay Kun Askari

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJuly 17, 2021No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Hoggaanka TPLF ee gobolka Tigray ee waqooyiga Ethiopia ayaa sheegay in ay sii daayeen ilaa kun askari oo ay ku qabsadeen dagaalkii gobolka.

    Debretsion Gebremichael, oo ah hoggaamiyaha TPLF ayaa gelinkii danbe ee Jimcihii u sheegay Reuters in kun askari oo ah kuwa ay darajadoodu hooseyso ay sii daayeen.

    “In ka badan 5,000 oo askari ayaan wali haynaa, waanna sii hayn doonaa saraakiisha sarsare si loo maxkamadeeyo,” ayuu yiri.

    Waxa uu sheegay in ciidanka la sii daayay loo kexeeyay dhinaca xuduudda koonfureed ee gobolka Tigray uu la leeyahay gobolka Amhara Jimcihii, laakin ma uusan xusin cidda la wareegtay askarta iyo sida deysmadooda looga wada xaajooday.

    Reuters ayaa warisay in aysan xaqiijin karin sheegashadan. Afhayeenka militariga ayaa sheegay in uusan diyaar u aheyn inuu hadlo, halka afhayeenka maamulka gobolka Amhara uu sheegay in aysan jirin war uu hayo oo ku aaddan sii deynta.

    Ra’iisulwasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa toddobaadkan sheegay in la iska caabin doono khatar kasta oo ka timaadda TPLF, wuxuuna dib uga gurtay xabbad joojin hal dhinac aheyd.

    Gobolka Amhara iyo saddex gobol oo kale ayaa sheegay in ay diyaarinayaan ciidan kuwa dowladda federaalka ka caawiya dagaalka ka dhanka ah TPLF.

    REUTERS/VOA

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Isbarbardhiga doorashada Xasan iyo doorashooyinka SL&PL

    December 26, 2025

    Puntland oo uheshay mashruuc Wadada Galkacyo-Goldogob

    December 26, 2025

    Shiine”Maraykanku,wuxuu isku dirayaa anaga iyo Hindiya”.

    December 26, 2025
    Latest Posts

    Israel announces official recognition of Somaliland as independent state

    Faallo:-Isbarbardhiga doorashada Xasan iyo doorashooyinka SL&PL

    Puntland oo uheshay mashruuc Wadada Galkacyo-Goldogob

    Shiine”Maraykanku,wuxuu isku dirayaa anaga iyo Hindiya”.

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.