Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Guddiga Dib-u-heshiisiinta Gobalka Gedo oo gaaray magaalada Kismaayo (Sawirro)
    Somalia

    Guddiga Dib-u-heshiisiinta Gobalka Gedo oo gaaray magaalada Kismaayo (Sawirro)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJuly 18, 2021No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Guddiga xalinta khilafaadka arrimaha gobolka Gedo ayaa maanta soo gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta ku meel gaarka ah ee Dowladda Jubbaland.

    Guddiga oo ka kooban wasiiro ka kala socda Dowlad Goboleedyada Dalka sida Puntland, Galmudug, Koonfur Galbeed, iyo Hirshabeelle ayaa yimid magaalada Kismaayo si ay ula kulmaan masuuliyiinta iyo madaxda Jubbaland, Odayaasha dhaqanka, iyo siyaasiyiinta iyo wax garadka kaso jeeda Gobolka Gedo ee ku sugan Kismaayo.

    Guddiga ayaa markii ay kaso dageen garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo, kaddib loo gudbiyay madaxtooyada Jubbaland halkaas oo ay kulan kula yeesheen madaxwayne ku-xigeenka koowaad ee Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aaden.

    Kulanka ayaa isugu jiray soo dhaweyn iyo kala war qaadasho, waxaana uu guddigu ugu horreyn ka warbixiyay waxyaabihii u qabsoomay mudadii ay ku sugnaayeen magaalada Garbahaarrey ee xarunta Gobolka Gedo.

    Guddiga ayaa warbixin ka dhagaystay madaxwayne ku-xigeenka koowaad ee Jubbaland, waxaa uunawarbixin qoto dheer ka siiyay marxaladihii ay soo martay Jubbaland iyo sida ay Jubbaland ugashay dadaal dheer sidii xal waara loogu heli lahayd arrimaha ka taagan Gobolka Gedo, iyo sida ay waxbadan uga tanaasushay si dalku u galo doorasho.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Isbarbardhiga doorashada Xasan iyo doorashooyinka SL&PL

    December 26, 2025

    Puntland oo uheshay mashruuc Wadada Galkacyo-Goldogob

    December 26, 2025

    Shiine”Maraykanku,wuxuu isku dirayaa anaga iyo Hindiya”.

    December 26, 2025
    Latest Posts

    Israel announces official recognition of Somaliland as independent state

    Faallo:-Isbarbardhiga doorashada Xasan iyo doorashooyinka SL&PL

    Puntland oo uheshay mashruuc Wadada Galkacyo-Goldogob

    Shiine”Maraykanku,wuxuu isku dirayaa anaga iyo Hindiya”.

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.