Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Al-Shabaab oo ku hanjabtay inay carqaladeyneyso doorashooyinka Soomaaliya
    Somalia

    Al-Shabaab oo ku hanjabtay inay carqaladeyneyso doorashooyinka Soomaaliya

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJuly 22, 2021No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab ayaa ku hanjabtay inay weerari doonaan ergooyinka soo xulaya xildhibaannada doorashada baarlamanka ee bilaabaneysa todobaadka soo socda.

    Kooxda xagjirka ah ee Al-shabaab ayaa ku hanjabtay inay carqaladeyn doonto doorashooyinka soo socda ee madaxweynaha iyo baarlamaanka ee ka dhacaya Soomaaliya.

    Hoggaamiyaha kooxda Al-Shabaab, Axmed Abu Cubeyda, ayaa sheegay Talaadadii inay kasoo horjeedaan hannaanka codbixinta, wuxuuna u hanjabay ergooyinka doorashada.

    Wuxuu sheegay in ergadu aysan ku kadsoomin waxa uu ugu yeeray balanqaadyada aan la fulin doonin, sida kuwa dhaqaale iyo codbixinta qarsoodiga ah, ayna dib u eegaan halka ay ku dambeeyeen ergadii iyaga ka horreeyay ee ka qeybgashay doorashadii 2017, kuwaas oo uu ku sheegay in qaarna la dilay, qaarna ay wali cabsi ku noolyihiin.

    Al-Shabab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weeraradii lagu dilay tobanaan ergo ah intii lagu gudajiray hannaankii doorashadii ugu dambeysay ee 2017.

    Cubeyda wuxuu ku boorriyay wufuudda inay dib uga fiirsadaan go’aankooda ah inay ka qeybgalaan doorashada sanadkan, isagoo intaa ku daray in kuwa diida amarka Al-Shabab aysan nabad heli doonin.

    Doorashooyinka ayaa bilaabanaya maanta Axadda ah ee soo socota, iyadoo doorashadu ku billaaban doonta 54 xubnood oo kamid noqonaya Aqalka Sare ee Baarlamaanka.

    Cabdisalaam Guuleed oo ahaa Agaasime ku xigeenkii hore ee Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA, ayaa sheegay in hanjabaadda ugu dambeysay ay Al-shabaab uga golleeyahay in jawi cabsi ah laga dhex abuuro dadka ku lugta leh doorashooyinka.

    Wuxuu sheegay inaan la fududeysan hanjabaadaha cusub ee kooxdu u jeedinayso doorashada taariikhiga ah ee ka dhici doonta dalka oo dhan, isagoo carrabka ku adkeeyay in loo baahan yahay jawaab celin habboon.

    Cabdisalaam wuxuu intaas ku daray in inkasta oo hanjabaadahan ay si dhab ah u saameyn doonaan doorashooyinka, hadan aysan kooxdani gaari doonin hadafkeeda ugu weyn ee ah joojinta geeddi-socodka dimuqraadiyadda Soomaaliya.

    Ciidamada amniga ee Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya ee AMISOM ayaa isku diyaarinaya sugida ammaanka iyo amniga doorashooyinka.

    La-taliyaha Amniga ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Diirshe ayaa sheegay inay sameyn doonaan dadaal kasta oo suurtagal ah si looga hortago hanjabaadaha ugu dambeeyay.

    Wuxuu Cabdi Diirshe sheegay in siyaasada dowlada federaalka ee ku aaddan kooxda Al-Shabaab ay tahay mid cad, sidaa darteedna ay ka adkaan doonaan, lagana saari doono dalka, wuxuuna sheegay in uu jiro qorshe amni oo lagu xaqiijinayo ammaanka dhammaan goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka guud ahaan dalka.

    Doorashooyinka Soomaaliya ayaa dib u dhac ku yimid muddo ku dhow sanad, sababo la xiriira is-mariwaa ka dhashay hannaanka doorashada. Xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka ayaa isku dayay inay wakhtiga u kordhiyaan Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, laakiin waxay ka noqdeen tallaabadaas kaddib cadaadis uga yimid kooxaha mucaaradka iyo beesha caalamka.

    VOA

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    August 25, 2025

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    August 25, 2025

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    August 25, 2025
    Latest Posts

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Calmiskaad

    Message from the Puntland Defence Forces Headquarters

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    Warbixin:-Kobaca dhaqaale Muwaadinka Somaliyed 5-tii Sano udanbaysay

    Faallo:-Beesha Sool Bari oo markale siriq Siyaasadeed iyo Juquraafi isgelisay

    Faallo:-Puntland miyaa la diciifin karaa saamaynteeda Siyaasadeed?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.