Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»VIDEO: Shir looga hadlay hagaajinta dakhliga Puntland oo ka dhacay Garoowe (Sawirro)
    Somalia

    VIDEO: Shir looga hadlay hagaajinta dakhliga Puntland oo ka dhacay Garoowe (Sawirro)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJuly 28, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Waxaa lagu qabtay xarunta Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee Garoowe shir ku saabsan xoojinta iyo wada shaqeynta hay’adda Booliska, Wasaaradda Maaliyadda iyo howlaha Guud.

    Shirkan waxaa ka soo qayb galay Wasiirka hawlaha Guud iyo Gaadiidka , Wasiir ku xigeenka Maaliyadda, Taliyaha Ciidamada Booliska, Ku xigeenka Agaasimaha Guud ee dakhaliga, masuuliyiin ka tirsan Dakhliga iyo Saraakiisha Ciidamada Turbataariyada.

    Agaasime Guud ku xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Abshir Maxamed Abshir ayaa sheegay in shirka uu ahaa mid muhiimad weyn xambaarsanaa, iyadoo ujeedku ahaa sidii looga qayb qaadan lahaa dardar galinta iyo xoojinta wada shaqeenta hayadaha fulinta.

    “ Shirkan wuxu ku saabsanaa sidii loo xoojin lahaa wadashaqeyn xoogan ay u dhexmari lahayd hay’adaha Booliska iyo Wasaaradaha dakhliga ka shaqeeya sida Wasaaradda Maaliyadda iyo W/Howlaha guud…”ayuu yiri Mudane Abshir.

    Waxa uu sheegay in shirkan uu horudhac u yahay in la diyaariyo qorshe rasmi ah oo diirada lagu saarayo sidii looga wadashaqeyn lahaa dakhli uruurinta, loona xoojin lahaa awoodda ciidanka si looga hortaggo danbiyadda Cashuuraha laga gallo iyo kor u qaadista adeegga cashuur bixiyaha.

    Shirkan oo socon doona muddo saddex cisho ah ayaa kadib la soo bandhigi doonaa qorshe howleed kaasoo diirada lagu saari doono in Wasaarad kasta iyo ciidanka ay qayb uga noqon lahaayeen dakhli hagaajinta.

    …” Shirka waxa kasoo bixi doona qodobo aad muhiim ah kadibna waxan soo bandhigi doonaa qorshe howleed kaasoo diirada lagu saari doono sidii hayad walba ay kaalin mug leh u qaadan lahayd.

    Ugu dambeyn shirkan ayaa lagu wadaa in gunaanadkiisa lagu soo bandhigo nidaam ku saabsan qaabkii Wasaaradaha iyo taliska ciidanka Boolisku ay waajibaadkooda shaqo u kala qaadan lahaayeen kadib halkaasna uu kasoo bixi doono dakhli kordhin lugu kaloonan karo.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    August 25, 2025

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    August 25, 2025

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    August 25, 2025
    Latest Posts

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Calmiskaad

    Message from the Puntland Defence Forces Headquarters

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    Warbixin:-Kobaca dhaqaale Muwaadinka Somaliyed 5-tii Sano udanbaysay

    Faallo:-Beesha Sool Bari oo markale siriq Siyaasadeed iyo Juquraafi isgelisay

    Faallo:-Puntland miyaa la diciifin karaa saamaynteeda Siyaasadeed?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.