Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Rooble “Falalka naf la caariga ah ee Argagixisadu waa in aysan horjoogsan Nabadda”
    Somalia

    Rooble “Falalka naf la caariga ah ee Argagixisadu waa in aysan horjoogsan Nabadda”

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJuly 31, 2021No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa cambaareyay qaraxii  la beegsatay dhallinyaro ciyaartooyda ahaa.

    Rooble ayaa ku baaqay in si deg deg ah Caddaalada loo horkeeno kooxdii ka dambeysay falkaasi uu sheegay in ay halis ku yihiin nolosha shacabka.

    “Waxaan tacsi u diray ehelada dadkii ku geeriyooday falkaas arxan darrada leh, maamulka iyo shacabka Jubaland,kuwa dhaawacyadana Eebbe uga baryaya in ay dhaqso u bogsoodaan” ayuu yiri Rooble.

    Waxaa uu intaasi kusii daray “Falalka naf la caariga ah ee argagixisadu waa in aysan naga horjoogsan hiigsigeenna nabad iyo dowlad-dhiska, gaar ahaan xilligan dalku doorashada galay”.

    Jubbaland ayaa xaqiijiysay in Qaraxii shalay ku dhinteen labo ciyaartow sidoo kalena ay ku dhaawacmeen Afar kale, islamarkaana Qaraxa uu ahaa mid loogu xiray gaariga buska ah ee ay saarnaayeen.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Isbarbardhiga doorashada Xasan iyo doorashooyinka SL&PL

    December 26, 2025

    Puntland oo uheshay mashruuc Wadada Galkacyo-Goldogob

    December 26, 2025

    Shiine”Maraykanku,wuxuu isku dirayaa anaga iyo Hindiya”.

    December 26, 2025
    Latest Posts

    Israel announces official recognition of Somaliland as independent state

    Faallo:-Isbarbardhiga doorashada Xasan iyo doorashooyinka SL&PL

    Puntland oo uheshay mashruuc Wadada Galkacyo-Goldogob

    Shiine”Maraykanku,wuxuu isku dirayaa anaga iyo Hindiya”.

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.